XOG: Xaqiiqo Muujinaysa In Uu Marcelo Door Weyn Ka Yahay Dhibaatada Real Madrid Ee Xilli Ciyaareedkan
Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa bartamaha uga jira dhaleecayn xoogan xilli ciyaareedkan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed xun oo su,aal laga keenay.
Xiddiga reer Brazil ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab leh ulankii ay Real Madrid guuldarada kala kulantay kooxda Girona kana tirsanaa horyaalka La Liga.
Qaab ciyaareedkaas ayaa shaki weyn ku sii daray awooda xiddiga reer Brazil ee uu kaga mid ahaan karo shaxda kooxda 1-aad.
Ciyaarta kadib Waxa la helay xog muujinaysa in ay Real Madrid dhibaatooto kulanka uu Marcelo ku bilowdo shaxda kooxda.
Da,yarka Sergio Reguilon ayaa noqday xiddiga Marcelo kula tartamada isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo Marcelo qariyay
Xogta ayaa muujinaysa in 9-kii kulan ee uu Marcelo ku bilowday shaxda Real Madrid laga badiyay 6 kulan halka ay bar-baro galeen 2 kulan hal kulana badisay.
Dhanka kale da,yarka Reguilon ayaa ku bilwday 9 kulan oo kooxda Real Madrid ah waxana ay kooxdu badisay dhamaan 9-kii kulan ee uu ciyaaray.

