XULASHO: Romelu Lukaku Oo Soo Xushay Xiddiga Ugu Fiican Kooxdiisa Man United Xilli Ciyaareedkan Mana Ah Paul Pogba, Marcus Rashford & David De Gea.

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa soo xushay xiddiga uu u arko midka ugu fiican kooxdiisa xilli ciyaareedkan isaga oo xiddigo in badan la amaanayay iska diiday.
Haddiiba aad filanaysay inuu xusho Paul Pogba, Marcus Rashford ama David De Gea weeraryahanka ree Belgium ayaa doortay daafaca bidix ee kooxda ee Luke Shaw kaas oo xilli ciyaareedkan dib u hantay booskiisa kooxda.
Mustaqbalkiisa kooxda ayaa u muuqday mid shaki weyni saaran yahay mudadii uu joogay tababare Jose Mourinho laakiin bandhigya Luke ayaa horumaray horraantii xilli ciyaareedkan.
Bandhigiisa cajiibka ah ayaa ugu dambayn u sahlay inuu helo booskiisa kooxda, In dib looga waco xulka qaranka England iyo waliba in heshiis cusub oo wakhti dheer ah laga saxeexday.
Lukaku ayaa isaga oo si guud ahaaneed u amaanaya xiddigaha kooxda haddana si khaas ah u amaanay Smalling oo bandhig fiican samaynaya tan iyo soo kabashadiisa, Goolhaye De Gea oo uu midka booskiisa ugu fiican caalamka ku sifeeyay iyo Shaw oo uu u arko xiddigii xilli ciyaareedka ee kooxda.
Romelu Lukaku ayaa yidhi “Qofkasta waxa uu naga hadlayaa anagu inaanu weerar ahaan fiicnaanay laakiin daafac ahaan waxaanu xaqiiqdii samaynaynaa wax fiican”
“Imaatinka Chris Smalling ee dhawrkii kulan ee ugu dambeeyay waxa uu ahaa mid cajiib ah, Luke Shaw waxa uu ahaa xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka ka aniga ahaan”
“Ashley Young waxa uu ahaa mid bandhig joogto ah leh, David De Gea-na waa goolhayaha ugu fiican dunida”
Kulankii Liverpool ayay ahayd markii Shaw uu sameeyay bandhig cajiib ah isla markaana uu xakameeyay halis kasta oo ka imanaysay Mohamed Salah oo ugu dambayn kulanka bedel lagaga saaray.