YAAB: Maxaa Iskuulada Waxbarasho & Falsafada Tababare Sarri Ee SARRI BALL Iska Soo Galay? Mid Kamid Ah Xiddigaha Chelsea Oo Sharaxaad Yaab Leh Bixiyay.
Daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa nolosha iyo falsafada ka hoos shaqaynta tababare Maurizio Sarri la bar-bardhigay sida inay ku laabteen fasalkii iskuulka oo ay dhagaysanayaan macalin wakhtiga oo dhan.
Aragtida ah in is maan dhaaf ka dhex taagan yahay qolka labiska ee Stamford Bridge ayaa laga dhex akhristay kaddib markii Rudiger in dabeecada Sarri ay saamayn aan wanaagsanayn ku yeelatay ciyaartoyda kooxda.25 jirkan ree Germany ayaa yidhi “Miyaanu daalnay? Maya sababtoo ah uma eka inaanu samaynayno orod min xerada ganaaxa ilaa xerada ganaaxa ee kale ah, Waa waxyaabaha taatikada ah ee uu jecel yahay inuu sameeyoTaasi waa isaga dariiqadiisa, Isagu wuu fulinayaa, Way ku cusub tahay ciyaartoyda inta badan ciyaartoyda, Laakiin waa inaanu la qabsanaa”
Rudiger ayaa mar la weydiiyay haddii Sarri Ball ay maskaxiyan u daalinayso xiddigaha yidhi “Waxa ay lamid tahay sidiiyoo aad fadhid iskuulka wakhtigoo dhan oo aad qof dhagaysanayso, Dabcan wakhtiyada qaar waxa ay taabanaysaa maskaxda laakiin dhammaadka maalinta waa inaad qabato shaqadaada”
Dhinaca kale, Antonio ayaa si weyn u fashiliyay in kalsoonida kooxdu ay tahay mid liidata waxaana ay hadaladaasi banaanka keenayaan sida uu 59 jirkan ree Talyaani ugu fashilmayo inuu farxad geliyo qolka labiska kooxdiisa.
Rudiger oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaanu markasta ku shaqaynaynaa tababarka anaga oo isku dayayna inaau samayno wax fiican maalin kasta, Waxaan filayaa haatan waxa ay khusaysaa kalsoonida, Maaha dhinaca taatikada aragtidayda, Waa dhinaca kalsoonida, Waanu bandhig hoosaynaa”
Si kastaba ha ahaatee, Shaqada Maurizio Sarri ayaa la aaminsanaa inay ku xidhan tahay saddex kulan, Kulanka koowaad ayaa ahaa midkii Man United ee ay guuldarradu soo gaadhay halka labada kulan ee hadhay ay yihiin Malmo oo ay Europe League kusoo dhawayn doonaan iyo Manchester City oo ay kala qaadi doonaan Carabao Cup.
