YAAB: Miyuu Mohamed Salah Ooyay Markii Bedelka Lagu Sameeyay Kulankii Old Trafford Ee Shalay? Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Fal-Celin Sameeyay.


Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaan ku jirin qaabkiisii ugu fiicnaa xilli ay Liverpool dhibic kusoo heshay Old Trafford shalay kulan ay booqdeen kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Manchester United.
Go’aankii uu tababare Jurgen Klopp qaatay qaybahii dambe ee kulanka isla markaana uu ku go’aamiyay inuu Salah kasoo saaro kulanka kuna bedelo Divock Origi ayaa u muuqday mid cadho geliyay xiddigan ree Masar.
Salah ayaa u muuqday mid ooyay oo ilmeeyay intii uu fadhiyay kursiga keydka waxaana midaas fal-celin kasoo sameeyay jamaahiirta kubadda cagta oo intooda ugu badani ku sifeeyeen Mohamed mid ilmada xejisan waayay.
Taageeraha Koowaad ayaa Twitter-ka kusoo qoray “Salah wuu cadhaysan yahay dhammaadka waxa uu u muuqdaa mid ilmaynaya”
Taageeraha labaad ayaa yidhi “Waxa ay u muuqataa in Salah ay ilmo ku taagan tahay”
“Salah ilmo ayaa ku taagan indhihiisa” Ayuu raacsaday taageeraha saddexaad
Dhinaca kale, Tababare Klopp oo kulanka kaddib ka hadlay bandhigii Salah ayaa sheegay inuu doonayo inuu caawiyo xiddigahiisa isla markaana uu Salah og yahay inuu bandhig midkii shalay ka fiican samayn karo.
“Waxaan halkan u joogaa inaan caawiyo ciyaartoyda, Iyagu waxay doonayaan inay sameeyaan qaab ciyaareed 100% laakiin markasta ma dhacdo” Ayuu yidhi tababaraha ree Germany.
“Mo waxa uu ogyahay inuu u ciyaaray si ka wanaagsan sida uu sameeyay maanta, Waanu ognahay inuu awoodo”
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa dhibicda ay shalay kala soo laabatay Man United ku hoggaaminaysa haatan horyaalka waxaana ay isla dhibicdaas kaga sarreeyaan Manchester City oo labaad ku jirta.