Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolyahay in uu tababare u noqdo kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedka.
Tababaraha reer France ayaa ogolaaday in uu tabbare u noqdo kooxda Blues si uu mar kale uga dhigo kooxaha ugu fiican yurub laakiin ku xidhay 3 shardi maamulka kooxda.
Hadii uu shaqada ka badalo Tababare Maurizio Sarri tababare Zidane ayaa hor dhigay maamulka Blues saddex shardi oo uu doonayo.
1.In heshiis wakhti dheer ah laga saxiixo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda ee Eden Hazard si uu xiddiga reer Belguim uga dhigo xiddiga ugu muhiimsan kooxda.
2.In Miiska loo saaro lacag dhan 200 oo milyan si uu ugu xoojiyo kooxda maadama ay kooxda ka tagayaan xiddigo badan oo heshiiskoodu dhacayo.
3.In uu isagu qaato go,aanka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xiddigaha baxaya iyo waliba xiddigaha imanaya kooxda.
Wargayska SunSport ayaa sheegay todobaadkii hore in ay chelsea bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigteen tababare Zidane oo 3 jeer oo xiriir ah Real Madrid kula guulaystay champions League.
