Barcelona Oo Guuldaradii Labaad Oo Xidhiidh Ah Real Madrid Ku Soo Baday Bernabeu , Xili Ciyaareedkii Maxaliga Ahaa Ee Los Blancos Oo Afar Maalmood Ku Burburay Iyo Blaugrana Oo 10 Dhibcood Ku Qabtay Hogaanka La Liga.




Barcelona ayaa halkeeda ka sii waday rekoodhka cajiibka ah ee ay Santiago Bernabeu ku leedahay waxayna guuldaradii labaad oo xidhiidh ah afar maalmood gudahood ay soo baday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid. Barcelona oo arbacadii 3-0 ku garaacay Real Madrid ayaa markale 1-0 saddexda dhibcood ee kulankii La liga kaga soo qaadatay.
Ivan Rakitic ayaa noqday geesiga Barcelona guushan ku soo hogaamiyay isaga oo qaybtii hore kulankan dhaliyay goola kaliya ee ay Barcelona guusha ku soo gaadhay.
Barcelona ayaa 12 dhibcood ka sare martay Real Madrid oo hadda loo arko in uu soo dhamaaday xili ciyaareedkoodii dalka Spain ee tartamadii maxaliga ahaa halka Barca ay 10 dhibcood ka sii sare martay Atletico Madrid.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN
BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arthur; Lionel Messi, Luis Suarez, Ousmane Dembele.
Kaydka: Nelson Semedo, Philippe Coutinho, Jasper Cillessen, Malcom, Carles Alena, Arturo Vidal, Samuel Umtiti.
REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Sergio Reguilon; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Gareth Bale, Karim Benzema, Vinicius.
Kaydka: Keylor Navas, Marcelo, Federico Valverde, Lucas Vazquez, Marco Asensio, Isco, Dani Ceballos.
Real Madrid ayaa tamar badan ciyaarta ku bilaabtay waxayna markiiba doonayee in ay goolal dhaliyaan si ay Barcelona ugu diidaan in ay ciyaarta gacanta ku qabto laakiin Barca ayaa bilawgii muujisay adkaysi badan si ay ciyaarta si gaabis ah awoodeeda ugula wareegto.
Barcelona ayaa 15 kii daqiiqo ee hore awoodi wayday in ay kubbad fiican ciyaarto ama ay fursado abuurto laakiin markii la soo gaadhay daqiiqadii 16 aad ayay Lionel Messi iyo Luis Suarez heleen fursadii ugu fiicnayd ee gool dhalineed ee ciyaarta laakiin kubbada uu Suarez goolkan ku dhalin lahaa ayuu Courtois ka joojiyay.
Daqiiqadii 19 aad Barcelona ayaa ugu dhawaatay inay ciyaarta gool ku hormarto kadib markii uu Arthur Melo kubbad u bixiyay Lionel Messi laakiin ubbada uu Messi ka dul qaaday goolhaye Courtois ee la moodayay in ay shabaqa galayso ayaa goolka oo madhan hormartay iyada oo difaaca fursadan badbaadin lahaa uu kubbada lugta la seegay.
Daqiiqadii 22 aad Real Madrid ayaa kaga jawaabtay weerar culus oo uu soo bilaabay Vinicius Jr isla markaana uu Benzema kubbad halis ah u bixiyay Modric oo xerada ganaaxa ku jiray laakiin kubbada uu Modric ku darbeeyay goolka Barca waxaa daboolay Pique oo dhulka isku tuuray waxayna ahayd fursad aad u halis badan.
Daqiiqadii 26 aad Barcelona ayaa la timid goolka jawigii Santiago Bernabeu xumeeyay kadib markii uu Ivan Rakitic isku badalay Lionel Messi isla markaana uu qaab cajiib ah kubbad jaqaf ah uga dul qaaday goolhaye Courtois wuxuuna caawin fiican ka helay Sergio Roberto oo Rakitic siiyay fursada uu goolka ugu furnaa waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barca hogaanka kula wareegtay.
Real Madrid ayaa kaga jawaabtay weerar aan loo kala hadhin waxayna Barcelona ku soo ururiyeen xerada ganaaxa laakiin fursado xidhiidh ah oo ay Real Madrid heshay waxaa inta badan madaxa u dhigtay Gerard Pique oo qaybtii hore wacdaro layaableh ka dhigay difaaca Barca kaas oo la’aantii ay Real Madrid goolal heli kartay.
Daqiiqadii 39 aad Barcelona ayaa ugu dhawaatay in ay goolka labaad keensato iyada oo Luis Suarez uu darbo lugta bidix uu ku tuuray uu iskugu dayay goolkan laakiin Courtois ayaa kubbada iska badbaadiyay halka Lionel Messi oo kubabda soo booday doonayay in uu ku qabtaa ay u suurtogali wayday.
Intaa kadib ciyaarta ayaa noqotay mid qasan oo ay Real Madrid wali ku raadinaysay goolka barbaraha isla markaana ay Barca kubbada sidii ay u hayn lahayd iyo fursad gool labaad ay u raadinaysay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku haysay.
Real Madrid ayaan qaybtii hore adeegii gool dhaliyenimo ka helin Gareth Bale oo kulankan ku soo bilawday iyo waliba Karim Benzema iyada oo Vinicius Jr uu ahaa halista ugu badan ee ay Barcelona awoodeeda iskugu gaynaysay.
Dhamaadkii qaybtii hore Sergio Ramos iyo Lionel Messi ayaa ku dhawaaday in ay gacan ka hadal sameeyaan iyada oo Ramos uu gacantiisa afka kaga dhuftay Messi laakiin garsooraha ayaa ciyaarta ilbidhiqsiyadii ka hadhsaa iska sii waday iyada oo Messi dhulka jiifay waxayna Messi iyo Ramos kadib isla galeen madaxa iyada oo dagaal qaybtii hore ku soo dhmaatay.
Markii layskugu soo labatay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Real madrid soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana ku socotay qaab ciyaareed aan la qiyaasi karin waxayna markiiba bilaabeen in ay raadiyaan goolka barbaraha laakiin Barca ayaa markan bilawday  in ay weerarka hirarka ahaa ee Madrid kaga imanayay ay iska caabiso.
Daqiiqadii 55 aad Santiago Solari ayaa ciyaarta ka saaray Toni Kroos wuxuuna soo galiyay Valverde laakiin daqiiqadii 56 aad Vinicius Jr ayaa ugu dhawaaday in uu Real Madrid ciyaarta ku soo celiyo kadib markii uu darbo qarsoon uu ku gaadhay goolhaye Ter Stegen laakiin goolhayaha ayaa hal gacan kubbada ku joojiyay.
Daqiiqadii 58 aad Carvajal ayaa kooxdiisa Real Madrid musiibo ku noqon gaadhay kadib markii kubbad uu Alba soo karoosay ay lugta kaga sii dhacday isla markaana ay kubbadu birta goolka Madrid ay wax yar u martay.
Daqiiqadii 59 aad Real Madrid ayaa heshay fursad cajiib ah oo ay goolka barbaraha ku keensan kareen laakiin Vinicius Jr oo kubbad u helay meel wax yar u jirta goolka Barca ayaa kubba u qabtay difaaca Barca laakiin darbada uu goolka ku dhalin lahaa ayaa kalida kaga dhacday Lenglet kaas oo xanuun badan kubbadan ku badbaadiyay.
Daqiiqadii 61 aad Solari ayaa ciyaarta ka saaray Gareth Bale oo aan u cudur daarin aaminaadii uu ka helay macalinkiisa waxaana kaydka looga yeedhay Marco Asensio waxayna ciyaartu noqotay mid sii adkaatay.
Markii ay Real Madrid dadaalkii waynaa ee ay samaysay gool ku keensan kari wayday Barcelona ayaa bilawday in ay madaxa sare u qaado waxayna markale bilaabeen in ay kubbada dhisaan iyada oo Lionel Messi iyo Dembele ay heleen laba fursadood oo halis ahaa balse ayna kooxdooda uga faa’iidayn.
Daqiiqadii 71 aad Valverde ayaa ciyaarta ka saaray Arthur Melo oo dhaawac ka soo laabtay balse shaqo wayn kooxdiisa u qabtay waxaana ciyaarta la soo galiyay Arturo Vidal waxayna ciyaartu noqotay mid tatiko ahaan u adkaatay.
Daqiiqadii 76 aad Solari ayaa ciyaarta soo galiyay Isco si uu guuldarada ay ku dhex jireen uga badbaadiyo waxaana ciyaarta laga saaray Casemiro laakiin Valverde ayaa isna daqiiqadii 78 aad ciyaarta soo galiyay Philippe Coutinho wuxuuna saaray Dembele.
Dhamaadkii ciyarta Karim Benzema iyo Varane ayaa laba darbo ku bartilmaameedsaday goolka Barca laakiin Ter Stegen ayaa labada jeerba kubbadahan badbaadiyay wuxuuna Valverde ciyaarta soo galiyay Nélson Semedo intii lagu jiray saddex daqiiqo oo dheeri ahaa waxaana la saaray Buquets.
Messi ayaa dhamaadkii ciyaarta helay fursad uu goolka labaad ee Barca uu ku dhalin gaadhay balse ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Barcelona guul kale ay kaga soo gaadhay Real Madrid waxayna Blaugrana awooday in ay saddexda dhicbood ka soo qaadatay kooxdii ay Arbacadii ka reebtay Copa Del Rey.
Barcelona ayaa xili ciyaareedkan awooday in afar kulan oo ay Real Madrid wada ciyaareen ay saddex ka mid ah guulaysatay isla markaana ay hal barbaro oo kaliya la gashay.
Laakiin arinta ugu wayn ayaa ah in Barcelona ay afar maalmood gudahood ku soo gaba gabaysay xili ciyaareedkii maxaliga ahaa ee Los Blancos iyada oo hadda Real Madrid awoodeeda wada saari doonta Champions League. Barcelona ayaa 10 dhibcood ku sii qabtay hogaanka La Liga waxayna 12 dhibcood ka sare martay Real Madrid oo ay murugo kale dhex galisay