CADAAWAD: In Man United Ay 20 Gool Iska Dhaliso Kulanka Man City, Oo Ay Afarta Koob Ku Guulaysato Ayaan Ka Door Bidayaa In Liverpool Ay Koobka Ku Guulaysato!!

Taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa soo bandhigaya cadaawada ay u hayaan Liverpool iyo sida ayna Manchester City u ahayn koox ay si dhab ah ula xifiltamaan, waxayna muujiyeen in Liverpool tahay kooxda kaliya ee ayna doonayn in ay arkaan iyada oo koobka Premier league ku guulaysanaysa.
Taageere kooxda Manchester United ah oo cod ahaan kula soo hadlay talkSport ayaa qaab layaableh u hadlay sida aad halka hoose ka dhegaysan karto, wuxuuna soo bandhigay in wax walba oo dhacaya ayna doonayn in Liverpool ay koobka Premier league ku guulaysato.
Taageerahan mayalka adag ayaa sheegay in ay ka door bidayaan in Manchester City ay afarta koob ku guulaysato halkii ay Liverpool ka hanan lahayd koobka Premier league wuxuuna sidoo kale xusay in walaalkii uu door bidayo in xataa haddii ay Man United heerka labaad u dhacayso in uu jeclaan lahaa in ayna Liverpool koobka Premier league ku guulaysan oo ay Man City u siidaayaan natiijada kulanka Old Trafford.
Arinta wariyaha layaabka ku noqotay waxay ahayd markii uu taageerahan soo hadlayay sheegay in uu ku farxi lahaa in kooxdiisa Man United ay 20 gool iska dhaliso kulanka Man City si ay taas ugu sameeyaan in ayna Liverpool koobka ku guulaysan.
Erayada layaabka leh ee uu taageerahan Man United sheegay waxaa ka mid ah: “Anigu waxaan si farxad leh Man United ugu oglaan  lahaa in ay 20 gool iska dhaliyaan kulanka Man City”.
Laakiin waxa uu arinta heer kale u sii qaaday markii uu sheegay: “Walaalkay waxa uu ka door bidi lahaa in Man United ay heerka labaad u dhacdo halkii uu ka arki lahaa Liverpool oo koobka ku guulaysanaysa”.
 Man United ee xifiltankii kooxdiisa ee Man City ka soo qaaday wax aan gabi ahaanba jirin isla markaana xataa u ogolaaday in ay afarta koob ku guulaystaan halkii ay Liverpool koobka Premier league kaga guulaysan laahyd.
Laakiin Ole Gunnar Solskjaer iyo taageerahan ayaan iskaga mid ahayn arintan maadaama oo uu kulanka Man City u arko kuwa uu shaqada Man United ugu guulaysan karo isla markaana uu United ugu soo saari karo tartanka Champions league inkasta oo ay ka midaysan yihiin colaada ay Liverpool u hayaan.