Chelsea Oo Maalmo Xasaasi Ah Galaysa, Tababare Zinadine Zidane Oo Sabab U Ah & Loolanka Loogu Jiro Zizou Oo Ay Juventus Soo Gashay Kaddib Go’aan Uu Gaadhay Allegri

Kooxda Chelsea ayaa galaysa maalmo muhiim ah oo uu horyaalo go’aan aad u adagi iyaga oo go’aamin doona shaqada tababaraha kooxooda ee haatan ee Maurizio Sarri isla markaana ay tahay inay la tacaalaan xiise uu helayo tababaraha bar-tilmaameedkooda ah.
Wargeyska Mirror ayaa sheegaya inay haatan tahay in Chelsea ay bilawdo ka shaqaynta sidii ay u dhaxli lahayd tababare Zinadine Zidane kaas oo ah midka halka ugu sarreysa kaga jira liiska macalimiinta ay doonayaan.
Kooxda Juventus ayaa ah mida sii adkaynaysa loolanka loogu jiro tababarahan isla markaana qasbaysa inay Blues dhaq-dhaqaaq deg deg ah samayo maadaama oo ay dhinacooda tartanka kasoo galeen.
Juve ayaa doonaysa in Zizou oo ah xiddigeedii hore uu qabsado shaqada kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in macalinka haatan ee Massimiliano Allegri uu u sheegay inuu doonayo inuu iskaga baxo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan marka uu ku guuleyso horyaalkiisii shanaad oo xidhiidh ah.
Maurizio Sarri oo haatan haysta xilka tababarenimo ee Blues ayuu culaysku ka yaraaday kaddib guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Tottenham iyadoo go’aankii hore loogu caydhinayay kaddib Final-kii Carabao Cup uu ku muuq beelay arrinkii dooda dhaliyay ee dhex maray isaga iyo goolhaye Kepa.
Soo galista tartanka Zidane ee Juve ayaa Chelsea ku qasbaysa inay go’aan gaadhaan maalmaha soo socda haddii kale ay galaan halis weyn oo ay tababaraha ree France u waayaan sababta Juventus.
Dookhyada kale ee Chelsea u furan haddii ay weydo saxeexa Zidane ayuu kamid yahay halyeeyga kooxda ee Frank Lampard kaas oo haatan si wacan u maamulaya kooxda horyaalka heerka labaad ee Derby County.