Ciyaartoydee U Qalanta Abaal Marinta Xidiga & Da’yarta Sanadka Ee Premier League Ugu Fiican? Khabiirada Daily Mail Oo Cod Ku Kala Saaray.

Dhawaan ciyaartoyda horyaalka Premier league oo dhan ayaa u codayn doona xidigaha sanadka iyo da’yarka sanadka ee horyaalka Ingiriiska ugu fiican waxaana haddaba jira xidigo gaar ah oo loo arko in ay yihiin kuwa loo xulan karo da’yarka iyo xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican.
Xidhiidhka xirfadlayaasha kubbada cagta England ayaa April 2, waxay soo saari doonaan musharixiinta abaal marinaha xili ciyaareedkan waxaana markaas la ogaan doonaa ciyaartoyda fursada u heli doona in ay ku guulaysan karaan abaal marinta da’yarka iy xidiga sanadka Premier league ugu fiican.
Mohamed Salah ayaa haysta abaal marinta xidiga sanadka ee Premier League ugu fiican oo uu xili ciyaareedkii hore ku soo guulaystay halka Leroy Sane uu haysto abaal marinta da’yarkii Premier league ugu fiicanaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin markale Van Dijk iyo Raheem Sterling oo ka tirsan Liverpool iyo Man City ayaa abaal marinahan ugu cad cad.
Haddaba khabiirada wargayska Dialy Mail ayaa cod ku sii kala saaray xidiga iyo da’yarka sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican taas oo aanu halkan idiinku soo gudbin doono.Khabiir kasta oo Daily Mail ah ayaa soo xushay xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican iyo da’yarka xili ciyaareedkan horyaalka Igiriiska ugu fiicnaa halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
1-SAMI MOKBEL
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Raheem Sterling
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: Declan Rice
2-DOMINIC KING
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Virgil van Dijk
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: Raheem Sterling
3-RIATH AL-SAMARRAI
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Virgil van Dijk
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: Marcus Rashford
4-JACK GAUGHAN
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Raheem Sterling
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: Trent Alexander-Arnold
5-JOE BERNSTEIN
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Raheem Sterling
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: James Maddison
6-MATT BARLOW
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Virgil van Dijk
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: Trent Alexander-Arnold
7-MIKE KEEGAN
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Raheem Sterling
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: James Maddison
8-ROB DRAPER
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Raheem Sterling
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: David Brooks
9-CRAIG HOPE
Xidiga Sanadka Ee Premier league: Virgil van Dijk
Da’yarka Sanadka Ee Premier League: Declan Rice
Sidee Tobankii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Loogu Soo Kala Guulaystay Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ee Premier league Ugu Fiican? Halkan kaga bogo min 2009 ilaa 2018 kii sidii loogu soo kala guulaystay abaal marintan.

2018 – Mohamed Salah
2017 – N’Golo Kante
2016 – Riyad Mahrez
2015 – Eden Hazard
2014 – Luis Suarez
2013 – Gareth Bale
2012 – Robin van Persie
2011 – Gareth Bale
2010 – Wayne Rooney
2009 – Ryan Giggs
Sidee Tobankii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Loogu Soo Kala Guulaystay Abaal Marinta Da’yarka Sanadka Ee Premier league Ugu Fiican? Halkan kaga bogo min 2009 ilaa 2018 kii sidii loogu soo kala guulaystay abaal marintan.

2018 – Leroy Sane
2017 – Dele Alli
2016 – Dele Alli
2015 – Harry Kane
2014 – Eden Hazard
2013 – Gareth Bale
2012 – Kyle Walker
2011 – Jack Wilshere
2010 – James Milner
2009 – Ashley Young
Haddaba akhirste, marka aad eegto, qiimaynta ay khabiirada Daily Mail ku sameeyeen xidiga iyo da’yarka sanadkan Premier league ugu fiican, midkee ayaad fikradiisa tageersan tahay? haddii aanu jirin mid aad fikradiisa ku taageersan tahay adigu xidigee iyo da’yarkee ayaad abaal marinaha sanadka u xulan lahayd?