Diego Maradona Ma Haysan Kuwo La Xifaaltama, Lionel Messi Waxa Uu Haystaa Cristiano Ronaldo Walina Waa Midka Ugu Wanaagsan

Xiddigii hore ee xulka qaranka Argentina ee Mario Kempes oo ahaa xiddigihii Koobka Aduunka markii ugu horreysay ku guuleeyay xulkaas 1978 ayaa soo af-meeray isbar-bardhiga shaqsiyaadka xulkiisa ee Diego Maradona iyo Lionel Messi.
Labadan shaqsi ee ree Argentina ayay jamaahiirta kubadda cagtu u aqoonsan yihiin laba kamid ah kuwa ugu fiican ee ay abid soo aragtay kubadda cagta caalamku.
Maradona ayaa soo hilaacay intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1990 kaddib markii uu xulka la qaaday koobka aduunka 1986 sidoo kalena uu laba horyaal kula soo guuleystay kooxda Napoli.
Maradona ayaan wakhtigiisii Barcelona koobab u badan sida kuwa Messi kusoo guuleysan balse Messi ayay isagana dhibaatadu ka haysataa dhinaca tartamada caalamiga ah.
Messi ayaa sanadihii ugu dambeeyay soo gaadhay Final-ka saddex tartan oo waaweyn balse dhammaantood soo guuldaraystay waana sababta culayska weyni u saaran yahay.
Haddaba, Kempes oo ka warramaya isbar-bardhiga labadaas shaqsi ayaa sheegay in Maradona uu wakhtigiisii soo raaxaystay maadaama oo uusan qofna xifaalin jirin balse Messi uu wali yahay midka ugu fiican isaga oo haysta xifaaltanka Ronaldo.
Mario Kempes ayaa yidhi “Maxay tahay dhibaatada ay dadka halka Spain jooga ku qabaan Maradona iyo Messi? Waxa ay maalinta dhan ku qaataan iyaga oo isbar-bardhigaya”
“Shaqsiyan, Labadoodaba waan taageeraa inta lagu gudo jiray wakhtiyadoodii kala dambeeyay, Hal kala duwanaansho ayaa h in Maradona uusan haysan qof xifaaliya intii lagu jiray wakhtigiisii”
“Messi wuu haystay, Ugu horreyn waxa halkaas joogay Ronaldinho waxaana jiray Ronaldo iyadoo ay waxaas oo dhami jiraana waxa uu sii wadaa inuu ahaado midka ugu fiican sababtoo ah sida ay tahay maanta, Messi waa ciyaartoyga ugu fiican dunida”