DOOD WADAAG: Miyay Liverpool Haysaa Dariiqii Ay Hore Ugu Soo Hungowday Koobka Premier league? Akhriso Kulamada U Hadhsan Man City & Liverpool Ee Koobka Lagu Go’aamin Doono.

Liverpool ayaa wax walba oo ay waqti dheer hogaanka ugu soo haysay Premier League waxay hadda isku arkayaan iyaga oo kaalinta laabad hoos hadhsanaya kooxda koobka Premier league difaacanaysa ee Man City oo meel fog ka soo dagaalantay isla markaana marti qaad fiican ka heshay Reds si ay kaalinta kowaad ugu soo laabtaan.
Liverpool ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii 2018 waxay ahayd kooxda ugu cad cadayd ee koobka Premier league loo saadaalinayay waxana jiray waqtiyo ay 10 dhibcood oo saafi ah hogaanka kaga sii qabtay Man City ee ka hor intii ayna kulankeeda ciyaareen, laakiin hadda Liverpool iyo Man City oo min 29 kulan ciyaaray waxaa hal dhibic saraysa Man City.
Markii ay Liverpool halka dhibic hogaanka ku haysay dad badan ayaa wax yar u arkayay laakiin hadda oo ay Man City hogaanka hal dhibic ku qabtay waxaa jira dad u arka in ay wax wayn tahay, laakiin sida la soo arkay xili ciyaareedkan wali ma dhawa in la go’aamin karo kooxda ku guulaysan doonta koobka Premier league.
Waxay u muuqataa in ay noqon doonto in Liverpool iyo Man City ay isla gaadhi karaan maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa iyada oo ay jiraan kulmo muhiim ah oo labada kooxoodb baaqi u ah kuwaas oo saamayn buuxda yeelan kara.
Kooxaha Liverpool iyo Manchester City waxaa hadda baaqi u ah min 9 kulan waana kulamada sida rasmiga ah logu go’aamin doono kooxda xili ciyaareedkan ku guulaysan doonta koobka Premier league.Kulamada U Hadhsan Liverpool iyo Manchester City Ee Go’aamin Kara Kooxda Ku Guulaysan doonta Koobka Premier league:
Manchester City waxaa u hadhsan laba kulan oo haddii ay ka gudubto ay ugu dhawaan ku guulaysan karto koobka Premier league waana kulanka ay Manchester United ku booqan doonto Old Trafford iyo kulankan ay Tottenham ku soo dhawayn doonto Etihad Stadium.
Laakiin kulan kastaaba hadda waxa uu noqday mid final oo kale ah, waxaana cadayn u ah sidii ay Man City min 1-0 guul ah uga soo gaadhay kooxaha West Ham United iyo Bournemouth. Miiska kala saraynta Premier league ee kadib kulamadii 29 aad.