Express Sport Oo Soo Xushay Shaxda Xiddigihii Ugu Fiicnaa Premier League Toddobaadkan, Man United Oo Xiddigaha Ugu Badan Kuleh & Koox Weyn Oo Boos Loo Waayay.

Wargeyska Express Sport ayaa soo xushay shaxdiisa kooxdii ugu wacnayd toddobaadkan horyaalka Premier League oo ahaa toddobaadkiisii 29-aad isla markaana ay xiddigo badani wacdarro shaqsiyeed cajiib ah soo bandhigeen.
Toddobaadkan ayaa ahaa mid kale oo isbedel leh waxaana booska koowaad ee kala sarreynta horyaalka ku kaliyaysatay Manchester City kaddib markii ay Liverpool ku fashilantay inay wax guul ah kasoo gaadho Everton kulankii Merseyside Derby.

Daafacyada garbaha ayay ka ciyaarayaan xiddigaha labada Manchester ee Kyle Walker iyo Luke Shaw kuwaas oo kooxahooda ka caawiyay gaadhista guulo muhiimad leh.
Khadka dhexe ayay ku midaysan yihiin Pereira oo Man United gool iyo caawin usoo sameeyay kulankii Southampton, Jorginho oo shabaqa kasoo taabtay Fulham iyo waliba Declan Rice oo gaadhay goolka Newcastle kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen Magpies.
Safka weerarka ayuu wargeysku u xushay Romelu Lukaku oo doorka ugu weyn kulahaa guushii soo laabashada ahayd ee Man United laba jeerna soo arkay shabaqa Southampton, Troy Deeney oo gool iyo caawin ku kala diray Leicester iyo Wilfred Zaha oo shabaqa kasoo taabtay Burnley.
Shaxdan ayaa ah mid wax boos ah looga waayay Arsenal walow ay qaab ciyaareed bir ah kala soo muuqdeen kulankii Tottenham isla markaana xiddigaha kala ah Aaron Ramsey, Sokratis iyo waliba goolhaye Leno ay ahaayeen kuwo soo dhalaalay.