FALANQAYN: Saddexdan Qodob Ma Yihiin Kuwa Ugu Danbayn Liverpool U Diidi Kara In Ay Ku Guulaystaan Premier League & Champions League?

Barbar-dhacii goolal la’aanta ahaa ee Liverpool ay gashay kulankii Merseyside derby ee ollogeeda Everton, waxay fursad buuxda siisay kooxda Manchester City oo dib ugu soo laabatay hoggaankii horyaalka ee dhamaadka sannadkii hore ay sida lama filaanka ah uga degtay.
City ayaa haysata 71 dhibcood oo ay ka heshay 29 kulan oo ay ciyaartay, waxaanay hal dhibic ka sarraysaa Liverpool oo kaalinta labaad u degtay, hase yeeshee iska khasaarisay fursad ay maanta toban dhibcood oo saafi ah hoggaanka ku hayn lahaayeen.
Dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey, waxay Liverpool u ahaayeen kuwo musiibo ah oo ay ku adkaatay guushu, isla markaana ay ku wayday toban dhibcood oo ay ka sarrayn lahaayeen kooxda tababare Pep Guardiola oo ku daba shidaysa.
Dabcan, wiilasha tababare Jurgen Klopp waxay qabteen shaqo ka wanaagsan middii ay xili ciyaareedkii hore qabteen, waxaanay si dhab ah u muujiyeen inay yihiin tartameyaal doonaya inay horyaalka ku guuleystaan, waxaanay dhamaan kulamadoodii xili ciyaareedkan ee Premier League ay khasaare la kulmeen hal kulan oo kaliya laakiin mushkiladda heshay ayaa ah in lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay afar ka mid ah barbar-dhac galeen.
Haddii aynu dib u eegno xili ciyaareedkii hore, dagaalyahannada dharka ccas waxay shaqo layaab leh ka qabteen Champions League oo ay finalkii iskugu yimaaddeen Real Madrid markaas oo iyagoo haysta fursad fiican uu goolhayahoodii guusha siiyey Real Madrid markii uu sameeyey laba khalad.
Dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey, Liverpool hal mar oo kaliya ayay ku dhawaatay inay ku guuleysato horyaalka Premier League, waana xili ciyaareedkii 2013/14 oo kulankii guushu kaga xidhnaa ay Chelsea ku graacday 2-0, laakiin mar walba wax aka muuqatay inay ka liidato kalsoonida oo ah waxa ugu muhiimsan ee kooxaha ka caawiya inay guulo gaadhaan.
Sidaas oo kale, ayay mar kale Liverpool hoggaanka u dhiibtay xili ciyaareedkan iyadoo kulamadii ugu dambeeyey la galay, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa saddex arrimood oo muhiim ah oo ay eersan doonto Liverpool haddii ay ku guuleysan weydo horyaalka Premier League xili ciyaareedkan:
1. Ciyaartooyadii waaweynaa oo ku fashilmay inay dhabarka u rittaan masuuliyadda kooxda
Arrinta ugu weyn ee Liverpool lugta qabata waqtiyada ay horyaalladu marayaan meelaha ugu muhiimsan, waa ciyaaryahananda ugu waaweyn oo xambaari kari waaya masuuliyadda saaran, isla markaana hafta qaybta ugu dambeysa.
Steven Gerrard oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay ciyaaryahannadii khadka dhexe ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda horyaalka Premier League, ayaa lagu xasuustaa guul-darradii caanka ahayd ee xili ciyaareedkii 2013/14 oo uu sabab u ahaa khasaarihii soo gaadhay kooxdiisa Liverpool ciyaartii ay ku macasalaamaysay horyaalka oo ay hanan lahayd. Halyeygan hore ee Liverpool oo sidoo kalena ahaa kabtanka ayaa dhamaan xirfaddiisa ciyaareed u hibeeyey kooxdan, hase yeeshee wuxuu siibtay markii ugu dambaysay ee uu u ciiyaaray, waxaana ka faa’iidaystatay Chelsea khaladkiisii ku ciqaabtay Liverpool.
Waqtigaa uu siibtay Gerrard, waxa kale oo shabaqu ku adkaaday Luis Suarez oo ahaa dhaliye ay difaacyahannadu ku dawakhaan qabashadiisa, kaas oo qaybihii hore ee horyaalka goolal badan soo dhaliyey balse qaybtii ugu dambaysay uu illoobay qaabkii loo dhalinayey.
Sidaas oo kale ayay Liverpool mar kale u muuqatay xili ciyaareedkan, waxaana gool-dhalintii ku adkaatay Mohamed Salah oo u ekaaday shimbir baalluhu ka qoyeen oo aan duuli karaynin.
Sidoo kale, Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa xambaari kari la’ masuuliyadoodii ahayd inay fagaareyaasha dhalinta goolasha isku muujiyaan.
2. Daal maskaxiyan ah Iyo Cadaadiska Reds Ka Haysta Premier league
Layaab ayay ahayd sidii cajiibka ahayd ee inta badan badan ay u ciyaaraysay Liverpool ee ay u muujinaysay awood cajiib ah oo ay kaga gudubtay caqabad kasta oo loo dhigay xili ciyaareedkan.
Waxay awood u yeelatay inay jiidho koox kasta, ka hor intii aanay Manchester City noqonin naadiga kaliya ee guul-darro soo gaadhsiiya 29-ka kulan ee ay ciyaartay.
Xilliyadan dambe, waxay mar kaliya kooxdu isku beddeshay mid kalsooni-darro hayso oo khaladaad badan ay samaynayaan ciyaaryahanndeedu, waana caqabad tababaraha laga rabo inuu degdeg u beddelo si ay hore ugu sii socon karaan.
Markii ay Liverpool finalka Champions League ku kulmeen Real Madrid sannadkii hore, Los Blancos ayaa ahayd kooxda lasii saadaalinayo inay koobka qaadanayso, kaas oo u noqonayay midkii saddexaad ee xidhiidh ah, hase yeeshee Liverpool ayaa si fiican u ciyaartay illaa uu goolhaye Karius ka samaynayey labadii khalad ee labada gool dhalay.
Arrintan waxay khubarada ciyaaruhu ku tilmaameen inay tahay mid maskaxiyan ah oo aanay Liverpool maskax ahaan diyaar u ahayn inay guuleysato, taas oo haddana mar kale caddayn ay u noqonayaan bandhiggooda xilliga xaasaasiga ah ee horyaalka oo lixdii kulan ee ugu dambeeyey ay ka heleen laba guulood oo kaliya.
3. Khibrad yaraan fagaareyaasha waaweyn ah
Inkasta oo 11ka safka koowaad ee Liverpool ahaayeen kuwo cajiib ah oo aan cidina hor-joogsan karin, isla markaana ay guulo keenayeen iyagoo ciddii ka hor timaaddana karti iyo tamar ku jiidhaya, haddana sida kartida xirfadeed, waayo-aragnimadu maaha wax lagu quudin karo ciyaartoyga balse waa mid waqtigu ay ka helaan.
Khibrad yaraantu dhibaato badan ayay u keentaa ciyaartoyga iyo kooxaha marka ay tagaan fagaareyaasha waaweyn, waana midda ugu dambayn ay kusoo jabaan oo koox ay ka ciyaartooyo iyo ciyaarba wanaagsan yihiin ay guusha kaga qaadan karto.
Tusaale ahaan, labada difaaca baallaha Liverpool, Trent Alexander Arnold iyo Andrew Robertson, waa da’yar aan tijaabo kusoo marin koobab ay ku guuleysteen, isla amrkaana aan xilliyo badan fagaareyaasha ku jirin.
Laacibiinta sida Naby Keita, Fabinho, Xherdan Shaqiri iyo Firmino da’ ahaan way ka weyn yihiin kuwo hore inkasta oo Robertson uu qaarkood la mid yahay, laakiin haddana weli wax koob ah kooxdan kulama guuleysanin.
Inkasta oo ay ciyaaryahannadi bandhig wanaagsan ka sameeyeen garoomada, haddana si joogto ah ugama ciyaarin fagaareyaasha waaweyn markii ay da’yarta ahaayeen sida Kulian Mbappe uu wacdaraha uga dhigay, amaba da’yarta kooxaha Barcelona, Real Madrid ama Bayern Munich.
3: