HORDHAC: Everton Vs Liverpool, Reds Oo Imtixaan Adag Ku Maraysa Kulanka Merseyside Derby, Miyayse Hogaanka Premier league Ku Soo Laaban Doonaan?

Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Everton waxayna kooxda Jurgen Klopp mari doontaa imtixaanka adag ee Merseyside Derby iyaga oo isku dayi doona in ay soo ceshadaan hogaaminta Premier League oo ay xalay Man City si ku meel gaadh ah ula sii wareegtay kadib guushii ay ka gaadheen Bournemouth.
Liverpool iyo Everton ayaa iskaga hor imanaya kulankoodii 200 aad ee Merseyside Derby waana kulanka labaad oo kaliya ee gaadhay 200 waxaana ka horeeya oo kaliya kulanka Aston Villa vs Everton oo ay 202 jeer wada ciyaareen.
Liverpool ayaa rekoodh cajiib ah ku soo yeelatay kulanka Merseyside Derby iyaga oo aan wax guuldaro ah kala soo kulmin Everton dhamaan 18 kii kulan ee ugu danbeeyay laakiin sidoo kale Jurgen Klopp ayaa rekoodh cajiib ah ka haysta kooxda ay martida u noqon doonaan caawa ee Everton.
Liverpool waxa uu kulankani uga dhigan yahay mid khaas ah maadaama oo ay doonayaan in ay saddexda dhibcood ka soo helaan kooxda Everton oo diyaar u ah in ay Reds ka ciideeyaan ku guulaysiga koobka Premier league waxayna kooxda Jurgen Klopp mari doontaa mid ka mid ah imtixaanada koobka Premier league ay ugu guulaysan karaan.
Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:
Jurgen Klopp ayaa rajaynaya in gool dhaliyaha kooxdiisa ee Roberto Firmino in uu taam u noqon doono kulanka caawa ee Everton kadib markii uu seegay guushii ay Reds ka gaadhay Watford laakiin haddii uu Klopp dareemo in Firmino aanu boqolkiiba boqol taam ahayn waxa uu wali haystaa in uu shaxdii kulankii Watford sii aamini karo.
Klopp ayaa Sadio Mane u adeegsaday weerarka dhexe kulankii Watford wuxuuna xidiga reer Senegal muujiyay in uu awood buuxda u leeyahay ka ciyaarista weerarka dhexe isaga oo sii watay gool dhalintiisa xili ciyaareedkan oo uu 14 gool oo Premier league ah ka dhigay.
Origi oo ahaa xidigii Liverpool guusha ku hogaamiyay kulankii xili ciyaareedkan ee Anfield ee kulanka Merseyside Derby ayaa kulankii Watford qaab ciyaareed fiican muujiyay isaga oo booskii Sadio Mane ee garabka bidix ka ciyaarayay wuxuuna sii wadan karaa in uu shaxda Klopp ku soo baxo haddii Firmino halis looga cabsado.
Dejan Lovren ayaan wali taam u ahayn in uu ciyaaro halka Joe Gomez uu isna dhaawac ku sii maqnaan doono taas oo la micno ah in Van Dijk iyo Matip ay sii wadan doonaan masuuliyada difaaca dhexe halka Naby Keita uu rajaynayo in uu shaxda Klopp boos a helo kadib in uu kulankii Watford kaydka fadhiyay.
Dhinaca Everton waxaa ganaax uga soo laabtay Kurt Zouma wuxuuna difaaca dhexe kala bixi doonaa Phil Jagielka laakiin waxaa sidoo kale soo laabtay Yerry Mina ayaa booskiisa difaaca dhexe kula tartami doona Michael Keane.
Gylfi Sigurdsson oo Liverpool dhibaato wayn ku soo ahaa tan iyo markii uu Swansea City joogay ayaa kulankii ugu danbeeyay ee Everton ay guusha wayn ka gadhay Cardiff City waxa uu ka dhaliyay laba gool isaga oo 11 gool soo dhaliyay xili ciyaareedkan wuxuuna udub dhexaad u noqon doonaa khadka dhexe ee Everton.
XOGTA KULANKA:
Tartanka: Kulanka 29 aad ee Premeir league
Kulanka: Everton vs Liverpool
Garoonka: Goodinson Park
Waqtiga: 7:15 Fiidnimo Ee Saacada Geeska Afrika
Shaxaha Macquulka Ah Ee Everton Vs Liverpool
Everton XI : Pickford; Coleman, Keane, Zouma, Digne; Gueye, Schneiderlin; Walcott, Sigurdsson, Richarlison; Calvert-Lewin
Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Henderson, Wijnaldum; Mohamed Salah, Sadio Mane, Divock Origi