HORDHACYO: Real Madrid vs Ajax, Dortmund Vs Tottenham-Shaxaha Macquulka Ah, Ganaaxyada, Dhaawacyada Iyo Xogta Kulamada UEFA Champions League.




Waxaa soo laabanaya tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League waxaana la ciyaari doonaa kulamada lugta labaad ee wareega 16ka kooxood iyada oo labada kulan ee ugu soo horeeyaa ay dhex mari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Ajax oo Bernabeu ku balansan halka Tottenham ay booqanayso kooxda Borussia Dortmund.
Real Madrid ayaa kulankii lugtii hore ee Champions League waxay guul 2-1 ah ka soo gaadhay kooxda Ajax laakiin Ajax ayaa soo booqanaysa Santiago Beranbeu si ay iskugu daydo in ay ka soo kabsato guuldaradii lugtii hore halka Real Madrid ay doonayso in ay ka soo kabsato labadii guuldaro ee xidhiidhka ahaa ee Barcelona ka soo gaadhay.
Real Madrid ayaa Ajax soo dhawaynaysa iyada oo maanka ku haysa in xili ciyaareedka kooxdeedu uu gabi ahaanba ku tiirsan yahay waxa ay ka samayso UEFA Champions league maadaama oo ay afar maalmood gudahood kaga hadheen Copa Del Rey isla markaana ay 12 dhibcood hoos uga dhaceen La liga ee kadib kulamadii El Clasico ee ay Barca guuldarooyinka xidhiidhka ahi ka soo gaadheen.
Dhinaca Tottenham waxay haysataa fursada ugu wayn ee ay ugu soo gudbi karaan wareega siddeed dhamaadka Champions League kadib markii ay hore guuldaro 3-0 ah u soo badeen Borussia Dortmund oo markeeda isku dayi doonta in ay ka soo kabsan karto niyadjabkii Wembley Stadium.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogta kulamada Champions league ee Real Madrid-Ajax iyo Borussia Dortmund -Tottenham.

Kulanka Borussia Dortmund vs Tottenham

Tottenham waxay u baahan tahay kaliya in ay ilaashato guushii ay waynayd ee ay Dortmund ka gaadhay kulankii Wembley Stadium laakiin Dortmund waxay ku qasbanaan doontaa in ay wax walba u samayso in ay dhinaca kale u dhigto ceebtii Tottenham ka soo gaadhay.
Tottenham waxaa la filayaa in uu ka maqnaan doono Dele Alli inkasta oo uu maanta ku soo laabtay tababarka kooxdiisa waxa kale oo uu shaki ku jiraa Eric Dier oo xanuunsanaya iyo Harry Winks oo dhaawac feedhaha ahi soo gaadhay kaas oo uu shaki ku jiro in uu ciyaari karo.
Shaxda Macquulka Ah Ee Borussia Dortmund vs Tottenham Hotspur
Dortmund XI: Bürki; Wolf, Akanji, Zagadou, Diallo; Delaney, Witsel, Reus, Guerreiro, Sancho; Götze
Tottenham XI: Lloris; Alderweireld, Sánchez, Vertonghen; Aurier, Davies, Sissoko, Rose; Eriksen; Son, Kane
Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Kulanka Real Madrid vs Ajax

Real Madrid ayaa Bernabeu ku qaabilaysa kooxda Ajax oo ay cadaadis badan kala kulantay kulankii lugtii hore wuxuuna Santiago Solari kulankan iskeenayaa iyada oo mustaqbalkiisa Real Madrid lagu xidhay in uu guul ka soo hooyo tartanka Champions League ama uu la kulmi doono shaqo ka caydhin.
Real Madrid waxaa ganaaxa laba kulan ah kaga maqnaan doona Sergio Ramos kaas oo ay UEFA ku heshay in uu si badheedh ah u qaatay kaadhkii digniinta ahaa ee kulankii Ajax, sidaa daraadeed, Ramos waxa uu marka hore seegi doonaa kulanka Ajax ee Bernabeu.
Haddii ay Real Madrid soo baxdo waxa uu markale seegi doonaa kulanka lugta hore ee siddeed dhamaadka Champions LEague waxaana sidoo kale Madrid ka maqnaan doona Marco Llorente kaas oo dhaawac ku seegaya kulankan.
Dhinaca Ajax wax dhaawacyo badan ah ma qabaan laakiin waxaa kulankan seegaya Balde oo dhaawac kubka ah qaba laakiin ma jiraan wax ganaaxo ah oo ay Ajax waayi doonto.
Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Ajax
Real Madrid XI: Courtois; Reguilón, Varane, Nacho, Carvajal; Casemiro, Kroos, Modrić; Vázquez, Benzema, Vinícius JR
Ajax XI: Onana; Tagliafico, Blind, De Ligt, Mazraoui; De Jong, Van de Beek, Schöne; Neres, Tadić, Ziyech