
Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay dhaawac looga saaray kulankii isreeb reebka Euro 2020 ee xulkiisu ay barbaraha la galeen Serbia wuxuuna erayo kooban ku xabiray dareenkiisa iyo rajada uu ka qabo in uu diyaar u noqon doono kulanka Ajax ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league.
Cristiano Ronaldo ayaa waqti dheer ka bad qabay wax dhaawacyo ah wuxuuna markii ugu horaysay tan iyo intii uu Juventus joogay soo gaadhay dhaawac uu isagu ku dalbaday in garoonka laga saaro kadib markii uu dhaawac muruqa ahi ku soo gaadhay kubbad uu baacsanayay.
Muruqa ayaa booday Cristaino Ronaldo oo si xoog ah u ordayay wuxuuna walwal badan ku abuuray kooxdiisa Juventus laakiin Cristiano Ronaldo ayaa erayo kooban qalbiga ugu dajiyay jamaahiirtiisa wuxuuna sheegay in aanu wax walwal ah ka qabin in uu taam ku noqon doono laba usbuuc.
Cristiano Ronaldo ayaa ku dooday in uu garanayo jidhkiisa isla markaana ay labada todobaad ee ka hadhsan kulanka Ajax ay u noqon doonaan kuwo uu ku soo kabsan karo.Cristiano Ronaldo ayaa yidhi: “Dhaawacayga miyaa? Anigu ma walwalsani. Anigu waxaan garanayaa jidhkayga, waqti laba usbuuc ah waxaan diyaar ugu noqon doonaa in aan markale ciyaaro”.
Hadalka Cristiano Ronaldo ayaa xumad jabin u noqday taageerayaasha kooxdiisa Juventus ee ka walwalsan in uu seegi karo kulanka lugta hore ee UEFA Champions league ee ay Juve la ciyaari doonto kooxda Ajax.
Laakiin Juventus ayaa baadhitaan rasmi ah ku samayn doonta heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaca muruqa ka soo gaadhay Cristiano Ronaldo waxaana loo samayn doonaa nooc kasta oo daawayn ah si loogu diyaariyo kulanka Ajax.