Kaddib Wararkii Sheegayay Inuu Iskaga Baxayo Real Madrid, Raphael Varane Oo Si Cad Loo Weydiiyay Rabitaankiisa & Waxa Uu Ku Jawaabay.

Daafaca xulka qaranka France iyo kooxda Real Madrid ee Raphael Varane oo ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya inuu kasii jeedo Madrid ayaa haatan si cad loo weydiiyay wax ku saabsan mustaqbalkiisa iyo haddii uu ka huleelayo Real.
Dhawaan ayay soo baxeen warar sheegaya in Raphael uu si lama filaan ah uga baxayo qalcada Estadio Santiago Bernabeu isla markaana uu madaxda kooxda go’aankaas u sheegay maadaama oo uu doonayo loolan iyo koox cusub.
Haddaba, Varane oo haatan ku maqan waajibaadka xulka qaranka oo waraysi siiyay ‘Le Parisien’ ayaa sheegay inuusan doonayn inuu mustaqbalkiisa kala hadlo saxaafada.
Varane oo arrimaha mustaqbalkiisa ka warramaya ayaa ugu horreynba yidhi “Ma doonayo inaan ka hadlo mustaqbalkayga, Inta badan midaas kagama hadlo meelaha dadku ku badan yahay”
Dhinaca kale daafacan oo ka hadlaya soo laabashada tababare Zidane ayaa sheegay inuu Zizou isaga muhiim u yahay isaga oo dhinaca kale ka warramay sida uu soo laabashada tababaraha shaki ugaga jiray isla sidii wakhtigii la magacaabayay.
“Waa sida inuu tagay shalay oo kale, Anigu dhab ahaantii waan la dhacsanahay isaga ka shaqsi ahaan iyo ka tababare ahaanba, Isagu waxa uu ahaa mid aniga aad muhiim iigu ah, Waa wax lagu qoslo, Waxaan qabay shakiyo kuwan lamid ah oo dhinaciisa ah January 2016 kahor Koobkii Aduunka”