Khabiirka Sky Sports Ee Jamie Carragher Oo Soo Xushay Xidiga Ilaa Hadda U Qalma Abaal Marinta Sanadka Ee Premier League.

Khabiirka Sky Sports ee Jamie Carragher ayaa soo xushay xidiga uu u arko inuu ilaa hadda yahay kan inta ugu badan ugu qalma ku guulaysiga abaal marinta xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican. Jamie Carragher oo ka midka ah khabiirada ugu saamaynta badan kubbada cagta England isla markaana uu hadalkiisu ciwaano waa wayn sameeyo, ayaa sii shaaciyay xidiga uu u sharaxayo abaal marinta sanadka ee Premier league.
Jamie Carragher ayaa aaminsan in difaaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk uu ilaa hadda yahay kan inta ugu badan u qalma abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiican. Van Dijk ayaa kulankii Everton ka sameeyay bandhig layaableh oo uu xidigii garoonka ugu guulaystay wuxuuna noqday kalsoonida difaac ee Liverpool.
Van Dijk ayaa inta ugu badan suurtogal ka dhigay in Liverpool ay xili ciyaareedkan awooday in 17 kulan oo Premier League ah aan wax goolal ah laga dhalin taas oo Alisson Becker ka caawinaysa in uu rekoodh cusub dhigo kulamada soo socda kaas oo ku sii dhawaanaya in uu gacanta dahabka ah ee Golden Glove-ka ku guulaysto.
Jamie Carragher oo xalay ka hadlayay kulankii Liverpool iyo Everton iyo sababta uu Van Dijk ugu soo xushay xidiga sanadka ee ilaa hadda Premier league ugu fiican ayaa yidhi: “Bandhigii maanta ee Van Dijk waxa uu ahaa mid aan la rumaysan karin. Xaqiiqadii waxaan filayaa in uu noqdo xidiga sanadka ee PFA player of the Year. Laga yaabee in ay xili hore yara tahay”.
Jamie Carragher oo ka hadlaya in Everton ay xaataa guul gaadhi kartay haddii aanu Van Dijk ciyaarayn ayaa yidhi: ” Haddii aanu isagu ciyaarayn, waxaan filayaa in ay Everton guulaysan kartay ciyaarta. Waxa uu u muuqdaa nin carruur la ciyaaraya. Waxa uu la ciyaarayaa qaar ka mid ah ciyaartoyda kubbada cagta Yurub ugu fiican wuxuuna ka dhigaa in ay u muuqato mid aad u sahlan”.
Jamie Carragher ayaa ku dooday in xaalada Van Dijk ay u muuqato sidii aan wali la tijaabin awoodiisa oo dhan wuxuuna yidhi: “Waxa uu u muuqdaa sidii oo aan isaga in ku filan la tijaabin. Waxaad dareemaysaa sidii uu qalab badan haysto oo uu ku tagi karo”.