Khiyaanadii Uu Cristiano Ronaldo Sameeyey Xalay Ka Sameeyay Kulankii Napoli Oo Qabsatay Baraha Bulshada Iyo Su’aal Ka Taagan VAR

Juventus ayaa xalay guul 2-1 ah ka gaashay Napoli oo ay marti u ahayd, waxaana guushaas qayb weyn ka qaatay Cristiano Ronaldo oo inkasta oo aanu gool dhalinin haddana daqiiqaddii 25aad sabab u noqday in garoonka laga saaro goolhayaha Napoli ee Meret oo kaadh cas loo taagay.
Xiddiga reer Portugal ayaa ka faa’iidaystay khalad ay sameeyeen difaaca Napoli, waxaana uu dhaxda ka qabsaday kubbad uu si khalad ah u dhiibay Kevin Malcuit meel aan ka fogeyn goolka, hase yeeshee goolhaye Meret oo kusoo baxay ayaa lugaha u kala bixiyey isaga oo isku dayeyey inuu kubadda kala hadho, balse Ronaldo ayaa ka booday si aanay waxyeello uga soo gaadhin taakada goolhayaha.
Garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayey ayaa markiiba casaan toos ah u taagay goolhayaha, waxaana kubaddii laagtay Miralem Pjanic oo goolka ku hubsaday daqiiqaddii 28aad.
11 daqiiqadood kaddib, waxa gool kale oo madax ahaa u dhaliyey Juventus Emre Can oo xagaagii uga soo wareegay Liverpool, waxaanay labada kooxood ku kala nasteen 2-0 iyo Napoli oo ku ciyaaraysay toban laacib.
Napoli oo inkasta oo hal ciyaartoy laga saaray haddana awood badnayd ayaa markii lagu soo laabtay qaybtii dambe waxay weerar isdaba joog ah ku qaadday Juventus, waxaanay taasi keentay in kaadh cas loo taago Pjanic oo khadka dhexe hayey, taas oo u sahashay kooxda Carlo Ancelotti inay helaan gool daqiiqaddii 61aad.
Goolhaye Wojciench Szczesny ayaa dedaal badan sameeyey isaga oo joojiyey kubbado badan gaar ahaan mid uu kusoo toogtay ninka ay isku waddanka yihiin ee Piotr Zielinski oo laba mar kubbado awood badan kusoo liishaamay.
Ciyaarta oo lix daqiiqadood oo kali ahi ka dhiman tahay dhamaadkeeda, ayaa Napoli loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu muuqaal caawiyaha garsoorak ee VAR uu go’aamiyey in kubaddu gacanta kaga dhacday Alex Sandro, waxaase goolkaas ka khasaariyey Insigne oo birta ka jaray.
Guushani waxay Juventus ka caawisay inay hoggaanka horyaalka Serie A ku qabato 16 dhibcood oo nadiif ah, taas oo muujinaysa in xilli horeba loo caleemo saari doono horyaalnimada.
— Abdurraheem (@nibbaheem06) March 3, 2019
Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeeyey inuu khiyaano sameeyey oo uu istuuray markii uu kubadda ula tegay goolhaye Alex Meret, waxaana si weyn loogaga falceliyey baraha bulshada gaar ahaan Twitterka.
“Waxa cajiib ahayd sida Ronaldo isku tuuray. VAR wax faa’iido ah malaha.” Sidaas waxa soo qoray mid ka mid ah dadkii ka falceliyey dhacdadan, waxaana aragtidaas la wadaagay mid kale oo soo qoray: “Ronaldo si cad ayuu isku tuuray”