LA OGAADAY: Maxay Yihiin SHANTA Xusuusood Ee Ayna Real Madrid Marnaba Ilaawi Karin Kadib Guuldaradii Barcelona Kaga Soo Gaadhay Bernabue?



Marnaba farxadi kama jirto koox kubbada cagta ah oo guuldaro la kulantay, laakiin xaaladaha iyo waqtiyada ay guuldaro ku soo beeganto ayaa ka dhigta mid ka xanuun badan guuldarooyinka kale waxaana sidoo kale saamayn ku yeesha qodob kale oo kooxda ay guuldaradu soo gaadhay muhiimad wayn u leh.
Guuldaradii xalay Real Madrid soo gaadhay ayaa la ogaaday in ay jireen waxyaabo si khaas ah ugu sii abuuray murugo dheeraad ah waana arimo ka baxsan ujeedad ugu wayn ee ah tartanka koobka horyaalka La Liga iyo in ay seegeen fursad ay farqiga ku soo yarayn kareen si ay sare ugu soo koraan miiska kala saraynta La Liga.
Sida uu qof kastaaba fahmi karo koox waliba waxay jeceshay in ay guul gaadho , mana jirto koox hal maalin guuldaraysan lahayd haddii ay awoodeeda tahay, laakiin marka laga yimaado in Real Madrid ay seegtay guul ay ujeedada kooxdeeda sare ugu soo qaadi kartay waxaa shira shan arimood oo xusuus xun ku sii reebay.
Haddaba halkan kaga bogo shanta arimood ee ayna Real Madrid u ilaawi karin guuldaradii 1-0 ka ahayd ee xalay Bernabeu kaga soo gaadhay kooxda ay xifiltamaan ee Barcelona.
1- In Real Madrid ay markii ugu horaysay lumisay hogaaminta guulaha abid ee El Clasico tan iyo sanadkii 1932 kii iyada oo guushii xalay ee Bernabeu ay Barcelona ka dhigtay kooxda 96 guulood kula wareegtay hogaanka guulaha abid ee El Clasico, waana xusuus xun oo ayna Madrid ilaawi karin.
2- Real Madrid oo ay soo gaadhay guuldaradii lixaad ee hal xili ciyaareed ah ku soo gaadhay garoonkeeda Bernabeu muddo qarni ah, waana xusuus xun oo kale oo ayna Madrid ilaawi karin.
3- In Real Madrid oo laba guuldaro oo xidhiidh ah Santiago Bernabeu kagala kulantay Barcelona muddo 72 saacadood gudahood ah, waana arin culus oo ayna marnaba Madrid maskaxdeeda ka saari karin.
4- Real Madrid oo guuldaradii afraad oo xidhiidh ahi ay Santiago Beranbeu kaga soo gaadhay Barcelona iyada oo afartii kulan El Clasico ee ugu danbeeyay Madrid guuldarooyin kala kulmaysay Barca, waana xusuus kale oo ayna Los Blancos ilaawi karin.
5- Real Madrid oo la kulantay guuldaradii saddexaad oo xidhiidh ah ee Santiago Bernabeu muddo 15 sanadood ah, waana xusuus kale oo ayna Madrid islawsiin karin.
Laakiin waxaa jira arimo badan oo kale oo Real Madrid calool xumo badan ku abuura waxaana ka mid ah in 72 saacadood gudahood ay Barcelona ku burburisay rajadii ay ka qabeen ku guulaysiga Copa Del Rey iyo La Liga waxaana hadda Solari iyo wiilashiisa laga sugayaa waxa ay ka samayn doonaan Champions league.