Maxaa Iskaga Eeg Liverpool & Borussia Dortmund! Bayern Munich Oo Soo Qabtay Dortmund Iyada Oo Qaabkii Man City Ee Liverpool U Soo Kabsatay.

Marar badan khibrada ku guulaysiga koob horyaal waxay ka awood badan tahay dhibco badan oo lagaa sareeyo waxaana taas cadeeyay kooxaha Manchester City iyo Bayern Munich oo si isku mid ah u soo qabtay kooxaha dhibcaha ka sareeyay ee Liverpool iyo Borussia Dortmund.
Liverpool ayaa waqti haysatay fursada ay ugu quus goyn kartay Manchester City ee ay dhibco 7-10 ah uga sare mari kartay Man City laakiin hadda markasta oo ay City kulankeeda hor ciyaarto waxay sii qabanaysaa hogaanka Premier league sida ay haddaba u sii qabtay kadib guushii Bournemouth.
Laakiin kooxda Bayern Munich oo xili ciyaareedkan u muuqatay in ay quus ka taagan tahay difaacashada koobka horyaalka Germany ayaa hadda si lama filaan ah dhibco ula wadaagta Borussia Dortmund oo lumisay fursad ayna suurtogal ahayn in ay markale hesho xili ciyaareedkan.
Borussia Dortmund ayaa jimcihii ku hor kuftay kooxda Augsburg laakiin Bayern Munich ayaan iska lumin fursada dahabiga ah ee ay heshay waxayna Bayern Munich xalay xasuuq 5-1 ah u gaysatay kooxda Borussia Monchengladbach si ay dhibco ula wadaagto Borussia Dortmund oo hore isku siisay koobkan.
Laakiin guushii xalay ay Bayern Munich ka gaadhay Borussia Monchengladbach waxay sidoo kale digniin wayn u ahayd Liverpool oo Allianz Arena ku booqan doonta kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League.
Borussia Dortmund ayaa hadda hogaanka Bundesliga ku haysa farqiga goolasha oo kaliya waxayna gabi ahaanba lumiyeen dhamaan dhibcihii badnaa ee ay Bayern Munich ka sareeyeen waxayna labada kooxood haystaan min 54 dhibcood kadib markii ay ciyaareen min 24 kulan.
Laakiin kulanka Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa noqon doona kulan final ah oo go’aamin kara tartanka koobka Bundesliga laakiin Dortmund ayaa haddii ay koobkan lumiso la kulmi doonta niyadjabkii ugu waynaa maadaama oo ay xili ciyaareedkan dhibco badan hogaanka ku soo hayeen.

Waxay u muuqataa in khibradii sanadaha badan ee Bayern Munich ay koobkan ugu soo guulaysanaysay ay markale caawinayso isla markaana ay Dortmund hadda la kulmayso culays iyo cadaadis badan.