Mohamed Salah, Sadio Mane Mise Roberto Firmino? Cristiano Ronaldo Oo Kooxdiisa Juventus U Tilmaamay Xiddiga Ay Tahay Inay Liverpool Kala Soo Saxeexdaan.


Weeraryahanka kooxda Juventus ahna kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa u tilmaamay dhigiisa kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo uu u arko mid wax kusoo kordhin kara kooxda ree Talyaani.
Salah ayaa tan iyo kusoo biiristiisa Liverpool gaadhay heer sarreeya oo cajiib ah isaga oo inta ugu badan abaalmrino shaqsiyeed cajiib ah kusoo guuleystay walow uusan wali ku najaxin inuu abaarta koobabka ka saaro Reds.Sky News Arabia ayaa sheegaysa in Ronaldo uu ku lug yeeshay rabitaanka Juve ee 26 jirka ree Masar isaga oo madaxda ugu sarreysa kooxda u sheegay inay bilaabaan hawlaha ay u marayaan saxeexiisa.
Sky News Arabia ayaa intaa ku daraya in heshiiskani uu ku kici karo aduun lacageed oo dhan 200 Milyan waana heshiis haddiiba uu qabsoomo qarawga iy layaabka kabiin doona midkii 222 Milyanka ahaa ee Neymar ugu biiray PSG 2017 kii.
Warkan ayaa daba socda war dhawaan laga helay Don Ballon oo sheegay in Juventus ay isku dayi doonto inay boosaska qaar u firqaayaso Mohamed iyadoo ay macquul tahay inay fasaxaan Paulo Dybala kaas oo darajadiisii ay ku hoos muuq beeshay imaatinka CR7.
Don Ballon ayaan sidoo kale meeshay ka saarin waxa loo yaqaano Plan B (Qorshaha labaad) isaga oo sheegay haddiiba Reds ay diidaan in Salah maro wadadii Luis Suarez oo hoggaamiyaha kooxda ahaa uu ku baxay 2014 ay aragtidooda u wareejin doonaan dhinaca Marco Asensio oo Real Madrid ka tirsan.
Salah ayaa xilli ciyaareedkan isku dayaya inuu ugu yaraan hal koob u keeno kooxdiisa walow ay lumiyeen hoggaankii horyaalka ee ay mudada dheer soo hayeen oo ay haatan hal dhibic kaga horrayso Manchester City.
Dhinaca kale Juventus ayaa iyadu qarka u fuushan hanashada horyaalkeedii 8-aad oo xidhiidh ah balse waxa ay waxkasta u samaynayaan lacag kastana u bixinayaan gaadhista hammigooda koowaad ee ah hanashada Champions League.