Muxuu Romelu Lukaku Ka Yidhi Rigoorihii Uu Paul Pogba U Diiday Ee Uu Ku Dhammaystiri Lahaa Saddexleyda Goolasha Ah Kulankii Southampton.

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa ka hadlay gool kulaadkii muranka xoogan dhaliyay ee uu dhammaadkii kulankii Southampton khasaariyay Paul Pogba iyada oo la filayay inuu uga tanaasuli doono Lukaku.
Jamaahiirta United ayaa si weyn uga cadhooday sababta uu Pogba ugu dayn waayay gool kulaadkaas Lukaku oo markaas lahaa laba gool isla markaana haddii fursada la siin lahaa dhammaystiri lahaa saddexleyda goolasha ah eee kulankaas.
Lukaku ayaa sheegay in inuusan marnaba ku fikirin qaadashada gool kulaadkaas isla markaana uu doonayay inuu Pogba qaato oo uu dhaliyo isaga oo dhinaca kale sheegay in muhiimadiisu ay ahayd caawinta kooxdiisa.
Romelu ayaa yidhi “Anigu waxaan ahay weeraryahan waxaanan doonayay Paul Pogba inuu dhaliyo rigooraha, Waxa uu ku jiray qaab ciyaareed xidhiidh ah oo wanaagsan, Waxa uu noo ahaa ciyaartoy muhiim ah anaga  waana uu soo laaban doonaaWaxaan diirada saarayay guusha waxaanan doonayay inaan caawiyo xiddigaha aanu isku kooxda nahay, Tababaruhu [Ole Gunnar Solskjaer] waxa uu i siiyay fursad kale maanta”
“Waa inaanu eegno kulanka hal mar oo aanu si adag ugu shaqayno xarunta tababarka, Diyaar ayaanu u nahay loolanka”
Wiilasha Solskjaer ayaa ah kuwo guuldarro la’aan ah tan iyo markii uu tababaraha ree Norway bedelay Jose Mourinho waxaana ay booska kaalinta afraad markale ka sarre mareen Arsenal”