Netherlands Oo Xasuuqday Belarus, Belgium Oo Guul Ka Gaadhay Russia, Eden Hazard Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Natiijooyinka Kulamadii Isreeb Reebka Euro 2020 Ee La Ciyaaray.

Waxaa si rasmi ah u bilawday kulamada isreeb reebka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 waxaana guul waa wayn ku furtay xulalka qaramada Netherlands iyo Belgium halka ay jiraan xulalka qaar oo haddaba guuldarooyin bahdilaad ah loogu bilaabay isreeb reebka Euro 2020.
Xulka qaranka Netherlands ayaa halkiisa ka sii wata in uu ka soo kabsado dhibaatadii ka soo gaadhay tartamadii waa waynaa ee sanadihii ugu danbeeyay waxayna 4-0 ku xasuuqeen xulka qaranka Belarus iyada oo Memphis Depay oo goolka furitaanka ku dhaliyay 50 kii ilbidhiqsi ee ugu danbeeyay.
Gini Wijnaldum iyo difaaca ay Liverpool ka wada tirsan yihiin ee Virgil Van Dijk ayaa min hal gool raacsaday halka Depay uu markale dhaliyay goolkiisa labaad waxayna Holland guul wayn ka gaadheen Belarus si ay qaab habsami ah ugu furtaan isreeb reebka Euro 2020.
Dhinaca xulka qaranka Belgium waxaa laba gool dhaliyay Eden Hazard oo xulkiisa ka caawiyay in ay guul muhiim ah ka gaadheen Russia laakiin goolasha Hazard ka hor labada xul ayaa barbaro ku jiray kadib markii uu
Tielemans goolka furitaanka u dhaliyay Belgium balse waxaa goolkan kansalay Cheryshev.
Tielemans goolka furitaanka u dhaliyay Belgium balse waxaa goolkan kansalay Cheryshev.
Eden Hazard ayaa noqday xidiga kulankan sida rasmiga ah u ugu go’aamiyay labada gool ee uu dhaliyay si uu xulkiisa Belgium u siiyo fursada ay kaga mid noqdeen xulalka Group I ku jira ee guulo gaadhay.
Xulka qaranka Croatia ayaa ka soo kabsatay gool uu xulka qaranka Azerbaijan ugaga hor maray waxaana guul soo laabasho 2-1 ah ka caawiyay Borna Barisic iyo Andrej Kramaric.
Xulka qaranka Croatia ayaa ka soo kabsatay gool uu xulka qaranka Azerbaijan ugaga hor maray waxaana guul soo laabasho 2-1 ah ka caawiyay Borna Barisic iyo Andrej Kramaric.
Halkan kaga bogo Natiijooyinkii Kulmadii Isreeb Reebka Euro 2020:
Group C
Nother Ireland 2 – 0 Estonia
Netherlands 4 – 0 Belarus
Nother Ireland 2 – 0 Estonia
Netherlands 4 – 0 Belarus
Group E
Croatia 2 – 1 Azerbaijan
Slovakia 2 – 0 Hungary
Croatia 2 – 1 Azerbaijan
Slovakia 2 – 0 Hungary
Group G
Austria 0 – 1 Poland
North Macedonia 3 – 1 Latvia
Israel 1 – 1 Slovenia
Austria 0 – 1 Poland
North Macedonia 3 – 1 Latvia
Israel 1 – 1 Slovenia
Group I
Kazakhstan 3 – 0 Scotland
Cyprus 5 – 0 San Marino
Belgium 3 – 1 Russia