Portugal Vs Ukraine, Argentina Vs Venezuala, Moldova vs France, England vs Czech: Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Oo Soo Laabanaya Iyo Kulamada Caalamiga Ah Ee Caawa La Ciyaarayo.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo sababo kala duwan uga maqnaa garoomada caalamiga ah ayaa markii ugu horaysay ka soo muuqan doona xulalka qaramadooda tan iyo wixii koobkii aduunka ee Russia 2018 kii ka danbeeyay.
Lionel Messi ayaa fasax kaga maqnaa xulkiisa tan iyo tartankii koobka aduunka laakiin Ronaldo oo xaalad adag ka soo maray kiiskii kufsiga ahaa ee USA laggaga soo dacweeyay ayaa isna hadda soo laabtay.
Xulka qaranka Portugal waxa uu kulan ka tirsan isreeb reebka Euro 2020 uu la ciyaari doonaa dhigiisa Ukraine laakiin Lionel Messi iyo xulkiisa Argentina ayaa kulan saaxiibtinimo kaga hor imanaya xulka Venezuela.
Kulanka Argentina iyo Venezuala ayaa ka dhici doona garoonka kooxda Ateltico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano iyada oo kadib ay la ciyaari doonaan xulka qaranka Morocco ee waqooyiga Afrika.
Laakiin xulka qaranka Portugal waxay marti galinayaan Ukraine kulan ka tirsan Group B ee isreeb reeba Euro 2020 iyaga oo ah xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee ay ku soo guulaystaan Euro 2016 kii.
Dhinaca kale xulka qaranka England ayaa Wembley Stadium ku soo dhawayn doona xulka Czech Republic markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2008 kii.
Urugay ayaa kulan saaxiibtinimo la ciyaari doona xulka Uzbekistan laakiin xulka qaranka koobka aduunka difaacanaya ee France ayaa isna caawa wajihi doona xulka Moldova.
Halkan kaga bogo Kulamada Muhiimka Ah Ee Caawa La Ciyaari Doono:
Group A -Euro 2020
Bulgaria vs Montenegro- 8:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
England vs Czech Republic – 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Group B -Euro 2020
Luxembourg vs Lithuania – 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Portugal vs Ukraine – 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Group H -Euro 2020
Albania vs Turkey- 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Andorra vs Iceland – 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Moldova vs France – 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Kulamada Saaxiibtinimo Ee Maanta Iyo Caawa La Ciyaari Doono:
Japan vs Colombia- 1:20 Maalinimo Ee Saacada Geeska Afrika
Uruguay vs Uzbekistan-2:35 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika
South Korea vs Bolivia -2:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika
Argentina vs Venezuela- 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika