RASMI: Qiimaynta UEFA Ee Kooxaha Yurub Oo Isbadal Lagu Sameeyay, Liverpool Oo Warkii Ay Sugaysay Heshay Iyo Kaalmaha Lagu Kala Jiro Ee Isku Aadka UCL Saamayn Doona.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeya qiimayn kala duwan oo ku salaysan natiijooyinka tartamada ay maamulayaan ee UEFA Champions leauge iyo UEFA Europa League kuwaas oo saamayn xoogan ku yeesha qaabka kooxaha dhaqaalaha loogu qaybinayo iyo waliba marka la samaynayo isku aadyada heerarka groupyada ee tartamadan.
Sida laga war qabo UEFA ayaa marka ay isku aadka UEFA Champions league samaynayso waxaa kooxaha loo qaybiyaa dheriyo kala duwan kuwaas oo lagu habeeyo kooxaha iyada oo eegayo qiimaynta ay ka haystaan UEFA ee shantii sanadood ee la soo dhaafay.
Haddaba UEFA ayaa si joogto ah u qiimaysa kooxaha ay maamusho waxayna isbadalkii ugu danbeeyay ee la sameeyay uu muujinayaa in ay kooxaha qaar sare u soo kaceen halka kooxo kale ay hoos u dhaceen.
Qiimaynta ugu danbaysay ee ay UEFA ku samaysay kooxaha Yurub waa mid saamayn toos ah ku yeelan doonta isku aadka UEFA Champions league iyo UEFA Euorpa League ee xili ciyaareedka soo socda waana qiimaynta shantii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay oo ah 2014 ilaa 2019.
Kooxda Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha faa’iidada ugu wayn ka helay qiimayntan ugu danbaysay ee UEFA maadamaa oo ay sare u kac samaysay isla markaana ay awooday in ay ka badbaadi doonto groupkii dhimashada ahaa ee ay xili ciyaareedkan Champions League ku soo aaday oo kale.
Liverpool ayaa hadda u baahan in ay sagaal dhibcood oo kaliya ka hesha dhamaan 7 kulan ee u hadhsan si ay u xaqiijisato booskeeda Champions league ee xili ciyaareedka soo socda waxayna qiimaynta UEFA ka heshay 81 dhibcood halka sanadkii hore ay haysatay 62 dhibcood taas oo muujinaysa sida ay sare ugu soo kaceen;
Laakiin Real Madrid oo laga reebay Champions League ayaa wali ah kooxda kaalinta kowaad kaga jirta qiimaynta shantii sanadood ee UEFA ay soo saartay taas oo ah qiimaynta ilaa xili ciyareedka soo socda lagu shaqayn doono waxayna Madrid haysataa 146 dhibcood.
Barcelona ayaa kaalinta labaad ugu jirta waxayna haysataa 131 dhibcood halka Bayern Munich ay kaalinta saddexaad ugu jirto 128 dhicbood waxaana hal dhibic ka sii hoosaysa Atletioc Madrid oo haysata 127 dhibcood.
Laakiin Manchester United ayaa ku jirta 16 aad waxayna haysataa 78 dhibcood halka Arsenal oo Europa League ku jirtaa ay qiimaynta UEFA ka heshay 91 dhibcood.Chelsea ayaa kaalinta 17 aad ugu jirta 77 dhicbood.
Haddaba halkan kaga bogo Qiimaynta UEFA ee shantii sanadood ee ugu danbeeyay ee kooxaha Yurub oo ah min 2014 ilaa 2019 waana qiimaynta lagu samayn doono isku aadyada iyo lacag qaybinta ilaa xili ciyaareedka soo socda.
1. Real Madrid (146.000)
2. Barcelona (131.000)
3. Bayern Munich (128.000)
4. Atletico Madrid (127.000)
5. Juventus (123.000)
6. Manchester City (104.000)
7. Sevilla (104.000)
8. Paris Saint-Germain (103.000)
9. Porto (93.000)
10. Arsenal (91.000)
11. Borussia Dortmund (85.000)
12. Liverpool (81.000)
13. AS Roma (81.000)
14. SSC Napoli (80.000)
15. Shakhtar Donetsk (80.000)
16. Manchester United (78.000)
17. Chelsea (77.000)
18. Tottenham Hotspur (72.000)
19. Zenit Saint Petersburg (72.000)
20. Villarreal (68.000)