RASMI: Santiago Solari Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Madrid Ee Kulanka Ajax Iyo Xidigahan Oo Caawa U Hoyanaya Xarunta Tababarka Ee Valdebebas.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa ku dhawaaqay liiska 21 ka ciyaartoy ee kooxdiisa uga qayb galaya kulanka lugta labaad ee UEFA Champions league ee ay Santiago Bernabeu ku soo dhawaynayaa kooxda Ajax, waxayna ciyaartoyda Madrid caawa u hoyanayaan xarunta tababarka ee Valdebebas.
Real Madrid ayaa doonaysa in ay iska ilawdo guuldarooyinkii xidhiidhka ahaa ee Bernabeu kaga soo gaadhay Barcelona waxayna diirada saaranayaan sidii ay Ajax uga soo dhaafi lahaayeen ee ay ugu soo bixi lahaayeen siddeed dhamaadka UEFA Champions League.
Real Madrid ayaa haddii ayna iska lumin waxay haysataa fursad wayn oo ay ugu soo bixi doonaan siddeed dhamaadka Champions league maadaama oo ay kulankii lugtii hore ee garoonka Ajax ay laba gool soo dhaliyeen isla markaana ay 2-1 guul ku soo gaadheen.
Laakiin kooxda Ajax ayaa doonaysa in ay xaalada adag ee Real Madrid uga faa’iidaysto in culayska Solari saaran ay soo laabasho ku samayn karaan Bernabeu.
Liiska uu Solari magacaabay waxaa ka maqan kabtan Sergio Ramos kaas oo ganaax laba kulan ah ku maqnaan doona waxaana sidoo kale dhaawac ku maqan Marco Llorente laakiin Solari ayaa go’aan farsamo liiska kooxdiisa kaga reebay labada xidig ee kala ah Alvaro Odriozola iyo Brahim Diaz.
Liiska Ciyaartoyda Real Madrid ee Kulanka Ajax:
Goolhayayaasha: Navas, Courtois , Zidane
Difaaca: Carvajal, Vallejo, Varane, Nacho, Marcelo , Reguilon
Dhexda: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Asensio, Isco , Ceballos
Weerarka: Mariano, Benzema, Bale, Lucas Vazquez , Vinicius Jr.