UGU DAMBAYN: Mauro Icardi Oo Aamusnaantii Ka Baxay & Nuxurka Qoraal Qiiro Leh Oo Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay.





Weeraryahanka ahna kabtankii hore ee kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa ugu dambayn aamusnaantii ka baxay isaga oo qayb kasoo noqday mustaqbalkiisa shakiga la gelinayo iyo arriamaha khilaafka ka dhex qarxay isaga iyo maamulka kooxda.
Xaaska ahna wakiilka Mauro oo lagu magacaabo Wanda Nara ayaa dhawr jeer hore uga soo hadashay arrimaha Icardi iyada oo soo sheegtay inay ku faraxsan yihiin nolosha magaalada Milano.
Markan Icardi qudhiisa oo adeegsaday baraha bulshada gaar ahaan barta Instagram ayaa si qoto dheer oo qiiro leh uga hadlay xaaladiisa haatan isaga oo diiday inuu sababta Inter u diiday dalabaad badan oo qurxoon oo ay adagtahay in ciyaartoy kale diido.
Qoraalka Icardi ayaa odhanaya “Waxaan diiday dalabaad kuwaas oo inta ugu badan ciyaartoyda kale ay ku adkaan lahayd inay diidaan gaar ahaan haddii ay ku jiraan caqabadahayga”
“Waxaan ku ciyaaray xanuunada (Dhaawacyada) aan qabay dhammaadka kulan kasta laakiin waxaan ku adkaystay inaan ciyaarayo xataa aniga oo kahor jeestay talada dhakaatiirta”.
“Tani waa sababtoo ah ujeedadayda ah inaan waxkasta oo aan awoodo aan siiyo midabadan (Inter), Waxaan markasta kasoo horjeeday kuwa kooxa kaga taga fursada ugu horreysa”
“Waxaan tusay carruurtayda inay tahay inaan joogtayno rajada, Waxaan tusay inay adagtahay in la guuleysto, Sababtoo ah marka la joogo Inter guushu waxa ay qaadataa wanaag khaas ah taas oo kaliya ‘Interista’ dhab ahi uu dareemi karo, Indhaha carruurtaydu been ma sheegayaan”