Vinicius Mise Dembele, Benzema Mise Suarez, Courtois Mise Ter Stegen? Yaa Kusoo Baxay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Ugu Weyn Dunida Kubadda Cagta “El-Classico”?

Shabakadda Sports Mole ayaa soo xulatay shaxdeeda isku dhafka ah ee kulanka ugu weyn dunida kubadda cagta ee El-Classico oo caawa dhex mari doona kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo balan kuleh gegida Estadio Santiago Bernabeu.
Kulankan ayaa kusoo aadaya kaddib kaliya saddex cisho markii ay labada dhinac is arkeen wareega afar dhammaadka ee Copa Del Rey markaas oo Los Blancos guul weyn laga gaadhay isla markaana saddex gool oo is raaca laga dhaliyay qaybtii dambe ee kulanka.
Faa’idada kaliya ee ay Barcelona ka haysato Real wakhti xaadirkan ayaan ahayn inay gaadheen Final-ka Cope Del Rey balse waxa ay sidoo kale ka sarreeyaan kala sarreynta horyaalka La Liga waxaana u dhaxeeya farqi sagaal dhibcood ah.
Xogta inteeda ugu badan ayaa ah mid wer wer galinaysa jamaahiirta Real Madrid maadaama oo aysan wax guul ah Barca kaga gaadhin Bernabeu ku dhawaad mudo shan sano ah waxaana ay guushii ugu dambaysay ku gaadheen 2014-kii.
Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ee wargeyska Sports Mole.
Aan ku bilawnee booska goolka ayuu kusoo baxay goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc Andre Ter Stegen kaas oo xog ahaan iyo kulamada shabaqa nadiifta ah lala baxo kaga horreeya dhigiisa Madrid ee Thibaut Courtois.
Dhinaca safka daafaca ayay labada kooxood si isku mid ah u qaybsadeen, Gerard Pique iyo Sergio Ramos ayaa loo wada xushay daafaca dhexe halka labada garab ay ka kala ciyaarayaan Daniel Carvajal iyo Jordi Alba.
Booska bur-buriyaha ayaa loo xushay Sergio Busquets oo kasoo hormaray Casemiro halka xiddigaha ree Croatia ee Rakitic iyo Modric ay codka ka heleen Toni Kroos iyo Arthur.
Ugu dambayn, Saddexda weeraryahan ayay kusoo baxeen Luis Suarez iyo Lionel Messi oo labaduba xogtooda gool dhalineed ee cajiibka ah kaga soo hormaray Karim Benzema iyo Gareth Bale halka uu xiddiga kaliya ee weerarka Madrid ugu soo baxay uu yahay da’yarka Vinicius kaas oo kasoo horreeyay Ousmane Dembele.
Halkan Kaga Boggo Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Sports Mole Kasoo Xushay El-Classico
Combined XI: RMA vs. BAR
Haddaba, Adigoo qiimaynaya toddobada xiddig ee ay Barcelona heshay iyo afarta Real Madrid Adigu akhriste shaxdan ma u aragtaa mid xaqiiqo buuxda ku salaysan mise waxa ay u muuqataa mid boosaska qaar lagu gefay?