Waa Inay Cagahiisa Dhunkadaan” – Wakiilka Gareth Bale Oo Xiddigiisa Meel Ka Saaray Jamaahiirta Real Madrid Ee Joogteeyay Inay Xumeeyaan.


Wakiilka xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale oo lagu magacaabo Jonathan Barnett ayaa u muuqday mid hadal gantaax ah oo kulul ku riday jamaahiirta cad cadka ee caadaystay inay eedaymo joogto ah usoo jeediyaan xiddiga uu wakiilka ka yahay.
Xaalada Gareth ayaa maalmihii ugu dambeeyay meel xun gaadhay kaddib guuldarrooyinkii ay kala kulmeen Barcelona, Kaddib markii uu kusoo bilawday kulankii horyaalka ee Sabtidii ayuu ku fashilmay inuu wax saamayn ah yeesho isaga oo baxay kadib saacad uu ciyaaray.
Intaa kadib Bale ayaan wax wanaajin ah ka helin jamaahiirta kooxda kuwaas oo ku oriyay isla markaana foodhi ugu daray intii uu garoonka ka baxayay.
Haddaba, Wakiil Jonathan Barnett oo ka adkaysan waayay dhacdadaas ayaa jamaahiirta kooxda ku sheegay kuwo sharaf dhac ah balse taa bedelkeeda ay ahayd inay cagaha ka dhunkadaas Bale kaddib guulaha uu la gaadhay mudada uu kooxda joogay.
Barnett ayaa yidhi “Jiilkan taageerayasha ah ee Real waxa ay ka hadli doonaan goolasha Gareth Bale sanadaha soo socda, Daacadii, Waa inay nafahooda u xishoodaan”
“Gareth waxa uu u qalmaa ixtiraamka ugu weyn, Qaabka ay jamaahiirta Real ula dhaqmeen Gareth maaha waxaan ka ahayn sharaf dhac”
“Lixda sano ee uu joogay Spain, Waxa uu ku guuleystay waxkasta, Isagu waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican caalamka, Jamaahiirtaasi waa inay dhunkadaan cagahiisa”
Difaacista xamaasadaysan ee uu Barnett difaacay xiddigiisa ayaan ahayn wax layaab leh waxaana dhab ahaantii adag in lagu diido qoddobada uu ka hadlay.
Mudada uu soo joogay Madrid ayuu soo dhaliyay goolal badan oo cajiib ah kuwaas oo kooxda ku hoggaamiyay guulo laxaad leh.
Si kastaba ha ahaatee, Waxa wax cad ah in 29 jirkan haatan koox kasta oo kale looga tix gelin lahaa halyeey balse uu weli ka la’yahay jamaahiirta Los Blancos ee horeba ciyaartoy waaweyn ay iskugu soo dhaceen.