Waanu Aaminsanahay Inaanu Guuleysan Karno – Kabtanka Lyon Ee Nabil Fekir Oo Farriin Culus Hawada U Mariyay Barcelona Kahor Kulankooda Camp Nou.

Kabtanka kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaan ka waaban inuu farriin hawada u mariyo kooxda Barcelona oo ay dhawaan ku booqan doonaan garoonkeeda Camp Nou kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League.
Fekir ayaa dhawaan kasoo kabtay dhaawac yar oo uu qabay waxaana uu kulankii lugta hore ee labada kooxood ku seegay sabab ganaax waxaana uu haatan maanka ku hayaa inuu isagoo taam buuxa ah is geeyo Camp Nou si uu natiijo uga keeno.
Haddaba, Kabtan Nabil ayaa sheegay inay aaminsan yihiin inay guul kusoo gaadhi karaan gobolka Catalunya isla markaana ay waxkasta ku bixin doonaan guushaas iyaga oo ka warqaba awooda Barcelona.
Fekir ayaa yidhi ugu horreynba “Waanu aaminsanahay inaanu guuleysan karno laakiin dhammaanteen waan ognahay inuu noqon doono kulan adag, Laakiin waxaanu siin doonaa waxkasta kahor kulankaas waxa aanu ciyaar la leenahay Strasbourg, Waxay ahayd mid niyad jab leh in aanan awoodin ciyaarista kulankii koowaad sababtoo ah ganaaxayga”
Lyon ayaa qaab cajiib ah uga jawaab celisay guuldarradii lama filaanka ahayd ee 2-0 ka ahayd ee kasoo gaadhay Monaco waxaana ay 5-1 ku dhaafeen kooxda Toulouse.
Fekir oo ka hadlaya kasoo kabashada guuldarradii Monaco ayaa yidhi “Waxaanu u ciyaarnay si wanaagsan, Waxaanu ahayn kuwo aad uga werwersan inaanu ka jawaabo natiijo liidata oo nago soo gaadhay Monaco, Waxay u fiicantahay kalsoonidayada gaar ahaan kahor kulanka Barcelona”
Lugtii hore ee ka dhacday gegida Groupama Stadium ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah waxaana ay Lyon kulanka dambe isku dayi doontaa sidii ay ugu yaraan shabaqa ku gaadhi lahayd.
Blaugrana ayaa dhinaceeda kulamadii ugu dambeeyay kusoo jiray marxalad wanaagsan waxaana ay kulamo xidhiidh ah garaaceen kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Real Madrid.