WALWAL: Man United Oo Ay 10 Ciyaartoy Dhaawcyo & Ganaax Kaga Maqnaanayaan Kulanka Arbacada Ee Ay Paris Saint-Germain Kula Ciyaari Doonto Champions league.

Manchester United ayaa u baahan doonta in ay samayso taariikh cusub oo Champions league ah haddii ay doonayso in ay u soo baxdo siddeed dhamaadka Champions league maadaama oo ayna jirin koox ka soo kabsatay guuldaro 2-0 ah oo ku soo gaadhay garoonkeeda kulankii lugtii hore ee wareega 16ka Champions league.
Man United ayaa arbacada booqan doonta kooxda Paris Saint-Germain, waxayna Paris ku ciyaari doonaan kulanka lugta labaad ee wareega 16ka kooxood waxayna United kulankan iskeenaysaa iyada oo soo guuldaraysatay kulankii Old Trafford kaas oo ay PSG guul 2-0 ah ku soo gaadhay.
Laakiin Paris Saint-Germain ayaa helaysa xaalada kale oo farxad u abuuraysa iyada oo Manchester United dhexda kaga jirta xaalad musiibo dhaawacyo ah waxayna Red Devils ka walwalsan yihiin in 10 ciyaartoy oo kooxda kowaad ka mid ahi ay dhaawac ku maqnaan karaan.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa madax xanuun badan ka dareemaya qolka daawaynta dhaawacyada kooxdiisa kadib markii uu Alexis Sanchez ku biiray liiska dhaawacyadii Man United soo ragaadiyay laakiin waxaa la sugayaa in ka hor kulanka PSG uu Ole Gunnar Solskjaer bixin doono wararkii ugu danbeeyay ee ka soo kabsashada dhaawacyada ciyaartoydiisa.
Alexis Sanchez ayaa dhaawacyo kula biiray xidigaha kala ah Nemanja Matic, Jesse Lingard, Juan Mata, Ander Herrera, Matteo Darmian, Phil Jones iyo Antonio Valencia oo dhamaantood xalaado kala duwan la maqnaa.
Waxa kale oo Man United ay waayi doontaa Pual Pogba oo ganaax ku seegaya kulanka lugta labaad ee Champions league kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Old Trafford taas oo dhabar jab wayn ku ah kooxda Red Devils.
Ole Gunnar Solskjaer oo wax laga waydiiyay haddii ciyaartoyda dhaawaca kaga maqani ay diyaar u noqon karaan kulanka PSG ayaa yidhi: “Maya xaqiqidii. Maya. Sidaas uma muuqato. Maya anigu ma filayo in aanu halis galin karno (Martial), wali tababarka muu qaadanayn, sidaa daraadeed ma filayo”.
PSG lafteeda ayaa ka walwalsan in Edinson Cavani uu markale seegi karo kulanak Man United inkasta oo uu tababarka ku soo laabtay laakiin Neymar Jr ayay markale hubaal tahay in uu kulankan seegayo laakiin Mbappe, Di Maria, Draxler iyo xidigaha kale ee kulankii Old Trafford shaqada wayn soo qabtay ayaa markale diyaar u ah in ay natiijada hubaal ka dhigaan.