Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Image result for Suuqa Kala Iibsiga
Xili ciyaareedkan 2018/19 ayaa dhamaad ku sii siqiya waxaana lagu soo dhawaanaya waqtiga uu sida rasmiga ah u furmi doono suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin inta aan la gaadhin suuqa waxay kooxaha Yurub sii sahaminayaan saxiixyada ay samayn karaan iyo meelaha ay tahaay in ay iska soo xoojin karaan boosaska ay u arkaan in ay shaqo uga baahan yihiin.
Haddaba shabada Gool24 ayaa halkan idiinku soo koobaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Isniin ah.Liverpool ayaa doonaysa gool dhaliyaha kooxda Celta Vigo ee Maxi Gomez iyada oo 22 sanado jirkan reer Uruguay hore loola xidhiidhinayay Barcelona. Liverpool ayaa Maxi Gomez ku doonaysa 35 milyan gini iyada oo loo arko badalka Uruguay ee Luis Suarez. (The Sun)
Xidiga kooxda Paris St-Germain ee Neymar Jr ayaa cadeeyay in uu ku faraxsan yahay joogitaanka Paris laakiin waxa uu cadeeyay in ciyaartoy kastaaba uu jecel yahay in uu Real Madrid u ciyaaro isla markaana uu soo gaadhay riyadiisii hore ee ahayd in uu Barcelona u ciyaaro.(Globo TV, Marca)
Man United iyo Liverpool oo ku dagaalamaya saxiixa 26-jirka ka gadoodsan kooxdiisa Real Madrid ee Isco Alcaron. (Tuttosport)
Arsenal ayaa xiiseyneysa 26-jirka Ajax Nicolas Tagliafico iyo da’yarka Celtic Kieran Tierney kaas oo 21-jir ah si ay mid ka mid ah badal uga dhigto Nacho Monreal oo lala xiriirinayo Barcelona. (Mirror).
Inter Milan ayaa xiiso usoo bandhigeysa daafaca midig ee Man United Matteo Darmian, 29-jirkaan waxaa lagu qiimeeyaa 9.5 Malyan oo Pound. (Football Italia)
Liverpool ayaa wali lala xiriirinayaa weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner, 22-jirkaan wuxuu sidoo kale xiiso ka helayaa Bayern Munich. (Liverpool Echo)
Qiimaha Gareth Bale ayaa hoos usoo dhacay, wuxuuna yimid 63 Malyan oo Pound, waxeyna ka dhigan tahay in Los Blancos ay 30 Malyan oo qasaaro ah galeyso hadii ay iibiso 29-jirkaa marka la gaaro suuqa xagaaga. (Mirror)
Arsenal ayaa dooneysa garabka xulka Belgium-ka Yannick Carrasco, 25-jirkaan ku sugan kooxda reer China ee Dalian Yifang wuxuu ku dhawaaday inuu January amaah ku yimaado Emirates, balse mar kale ayey xagaaga isku dayi doonta. (Express)
Jamie Carragher ayaa aaminsan in wali kooxdisii hore Liverpool ay u baahan tahay helitaanka badalka Philippe Coutinho oo January 2018 ku biiray Barcelona. (Mirror)