Waxay Heleen 900 Fursadood, Gool Lug Qaldan Lagu Dhaliyay Ayay U Dabaal Degeen-Jurgen Klopp Oo Dhulka Jiiday Man City.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa hadal culus ku ganay kooxda ay koobka Premier league ku xifiltamayaan ee Manchester City kadib markii ay kooxdiisa Reds barbarbo gool la’aan ah la soo gashay Everton. Jurgen Klopp ayaa muujiyay in aanu wax walwal ah ka qabin in kooxdiisu ay hal dhibic hoos uga dhacday hogaaminta Premier league.
Laakiin Jurgen Klopp ayaa Manchester City ku duray qaabkii ay guusha uga soo gaadhay Bournemouth iyo dabaal degii ay sameeyeen wuxuuna ku dooday in maadaama oo bisha March la joogo ayna wax badan ahayn in hogaanka Premier league la hayo maadaama oo ay wali hadhsan yihiin kulamo badan oo wax badan go’aamin kara.
Klopp ayaa kooxda Guardiola ku duray in 900  oo fursadood ay kulankii Bournemouth ku dhaliyeen hal gool oo uu waliba ku sheegay in lugta qaldan ee Riyad Mahrez uu ku dhashay, wuxuuna Klopp aaminsan yahay in waqti badan oo wax lagu go’aamin doonaa uu Premier leauge ka hadhsan yahay.
Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlaya in kooxdiisa hal dhibic laga sare maray iyo in uu baacsashada jecel yahay ayaa yidhi: “Anigu gabi ahaanba waan ku fiicanahay baacsashada. Ayaa doonaya in uu bilawga March u jiro halka ugu saraysa? way fiican tahay laakiin waxaa jira kulamo badan oo ay tahay in la ciyaaro”.
Intaa kadib Jurgen Klopp ayaa Man City si adag u duray wuxuuna yidhi: “Habeen hore waxaan daawaday (Barnaamijka) Match of the Day, waxaanan arkay Man City oo dabaal degaysa. Iyagu waxay heleen 900 fursadood waxayna dhaliyeen hal gool, oo ahaa darbo lugta qaldan ah. Waxaa waajib kugu ah in aad fursadahan diyaar u noqoto”.
Liverpool ayaan waqti dheer ku soo guulaysan horyaalka Ingiriiska laakiin Klopp ayaa aaminsan in ay haystaan fursad boqolkiiba boqol ah wuxuuna yidhi: ” Anigu waxaan aaminsanahay in boqolkiiba boqol ay fursadayadu tahay, kulanba kulanka ka danbeeya, dareenkayga wiilashu wuu sii fiicnaanayaa, sababtoo ah xaqiiqdii waxay u muuqdaan in ay diyaar u yihiin”.
Jurgen Klopp oo ka hadlaya barbarihii ay Everton la galeen ayaa yidhi: “Anagu gool maanu dhalin, taasi way dhacday, waxay ahayd ciyaar adag. Waxa uu ahaa dagaal, waxaananu diyaar u ahayn dagaalkaas, hadda hal dhibic ayaanu haysanaa wax walba way fiican yihiin”