WEERAR: Napoli Oo Weerar Dhinaca Suuqa Ah Ku Qaadaysa Dhigeeda Real Madrid & Saddex Xiddig Oo Ay Qiimahooda Weydiisay.

Kooxda ree Talyaani ee Napoli ayaa u muuqata mid weerar dhinaca suuqa kala iibsiga ah ku qaadaysa dhigeeda Real Madrid iyaga oo ka faa’idaysanaya xaalada xun ee ay kooxdu xilli ciyaareedkan dhexda ka gashay.
Warkan oo ah mid laga soo xigtay ‘Il Mattino’ ayaa sheegaya in madaxweynaha Napoli ee Aureliano de Laurentiis uu xidhiidh la sameeyay Madrid isaga oo ka warraysanaya xaalada iyo qiimaha xiddigaha kala ah Casemiro, Marcelo iyo Isco.
Isco iyo Marcelo ayaa ah dhibanayaal xilli ciyaareedkan ah waxaana ay inta badan soo ahaayeen keyd wakhtigii tababare Santiago Solari balse soo laabashada tababare Zinadine Zidane ayaa ah mid waxkasta dhinaca kale u rogi karta.
Zidane ayaa kulankii ugu horreeyay ee uu kooxda hoggaamiyay tan iyo soo laabashadiisa kusoo bilaabay xiddigahaas isaga oo durtaba u muujiyay kalsoonida uu ku qabo.
Casemiro oo dhinaca kale kamid ah bar-tilmaameedyada Napoli ayaa xilli ciyaareedkan wakhti adag kusoo qaatay kooxda balse waxaan marnaba shaki ku jirin inuu kamid yahay xiddigaha muhiimka ah ee khadka dhexe.
Ciyaartoydan ayay adagtahay inay Los Blancos si sahlan ku fasaxdo gaar ahaan kaddib imaatinka Zidane kaas oo doonaya dhisida mashruuc cusub oo adag.
Si kastaba ha ahaatee, Napoli ayaa xidhiidh wanaagsan oo dhinaca suuqa ah la leh Real waxaana ay horeba ugala wareegtay Higuain, Callejon iyo Albiol oo dhammaantood ku