XARAASH: Barcelona Oo Sabab U Noqonaysa In Florentino Perez Uu LIX Ciyaartoy Ka Diro Bernabeu Iyo Magaca Si Lama Filaan Ah Ugu Soo Baxay.

Real Madrid ayaa guul-darro weyn kasoo gaadhay kulankii ay ku martigelisay Barcelona habeenimadii Arbacada, markaas oo lagaga adkaaday 3-0 iyagoo jooga garoonkooda Santiago Bernabeu, waxayna guuldaradani sabab u noqotay in xaaladii xili ciyaareedkan ee Real Madrid ay sii xumaatay.
Real Madrid ayaa markale sabtida Santiago Bernabeu ku soo dhawayn doonta Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga waxayna Barca kulankan iskeeni doontaa iyada oo 9 dhibcood ka saraysa Real Madrid, taas oo la micno ah in guuldaro kale oo Madrid soo gaadhaa ay afar maalmood gudahood soo gaba gabayn doonto dhamaan tartamadii maxaliga ahaa ee ay Madrid u tartamaysay.
Guul-darradan ayaa Real Madrid ay kaga hadhay tartanka Copa del Rey oo ahaa ka kaliya ee xili ciyaareedkan loo saadaalinayo, hase yeeshee Barcelona oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah u qaadatay ayaa finalka iska xaadirisay.
Kaddib guul-darradan, warbaahinta dalka Spain ayaa waxay shaaciyeen in madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez uu isbeddel weyn ku samayn doono kooxdiisa, isla markaana uu oodda ka qaadi doono lix laacib oo muhiim ka ah safka kooxdaas.
Shan ka mid ah lixda ciyaartoy ee Perez uu ka dirayo Bernabeu ayaa ka mid ah xiddigaha joogtada ah ee tababare Santiago Solari uu ku dagaal-galo.
Labada ciyaartoy ee ugu horreeya ee uu Perez hore u go’aansaday in xagaaga ay ka tagaan Real Madrid ayaa ah Isco iyo Keylor Navas, hase yeeshee toddobaadkii hore ayaa waxa liiskaas uu saddex kaga dhigay xiddiga reer Brazil ee Marcelo oo ay si weyn u doonayso Juventus.
Saddexdaas ciyaartoy oo liiska ku jira ayaa kaddib kulankii Barcelona, waxa uu madaxweynuhu kusoo kordhiyey saddex ciyaartoy oo kale oo aad la yaabi doonto.
Warkan oo ay baahiyeen warbaahinta dalka Spain, waxa uu sheegay in Florentino Perez uu liiska ciyaaryahannada uu iibinayo xagaaga uu ku daray Toni Kroos oo khadka dhexe ah, beddelkiisana aanay haysanin, kubbad-dilaha reer Brazil ee Casemiro iyo difaaca midig ee Dani Carvajal kaas uu badalkiisa tooska ah noqon karo Odriozola.
Inkasta oo ay adag tahay in qorshahan uu u hirgalo Perez oo aanu kooxdiisa mar kaliya ka wada saari karin lixdan ciyaartoy, gaar ahaan saddexda dambe, ayaa haddana siday wax u dhacaan la eegi doonaa dhamaadka xili ciyaareedka marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryahannadu