XASAASI: Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Oo Go’aansaday In Kooxdiisu Ay Tababare Cusub U Baahantahay & Murashaxa Cusub Ee Jagadan Caydhinta Badan Oo La Ogaaday.


Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ku gaadhay in tababaraha haatan ee kooxdiisa ee Santi Solari uu u baahan yahay in kooxda laga diro isagoo haatanba dookh cusub calaamsadsaday.
Wargeyska Sport ayaa sheegaya in Solari uusan ahaan doonin tababaraha kooxda ee xill ciyaareedka dambe sida uu go’aansaday Perez oo ah shaqsiga kala wada waxkasta oo kooxda ka dhacaya.Sport ayaa intaa ku daraya in xataa haddii Santiago uu sameeyo isbedel weyn isla markaaana uu kooxda gacanta usoo geliyo Champions League markii afraad oo xidhiidh ahi aysan ka caawin doonin in lasii dheereeyo wakhtigiisa kooxda.
Perez ayaa haatanba bilaabay qorshayaasha lagu raadinayo macalina cusub ee kooxda qabsan lahaa waxaana liiska uu doonayo kamid ah Pochettino oo Tottenham maamula, Allegri oo ah macalinka Juventus iyo tababaraha Germany ee Joachim Low.
Saddexdaas tababare ayaa dhammaantood haatan heshiisyo ku jira waana mid adag in la xaliyo oo si fudud lagu helo balse midaas ayaan Perez ka joojin doonin inuu tababare cusub kooxda usoo magacaabo.
Perez ayaa isku diyaarinaya in si lamid ah xagaagii uusan mid kamid ah macalimiintaasi kusoo biiri doonin kooxda balse waxa jira qorshe labaad oo ah magacaabista halyeeyga kooxda ee Raul Gonzalez Blanco kaas oo dhawaan loo magacaabay kooxda da’yarta ee Juvenil B.
Raul ayaan gabi ahaanba lahayn wax khibrad maamul ama tababare ah balse waxa macquul ah inuu soo jiito helona kalsoonida jamaahiirta uu inta badan kaga soo farxiyay ka ciyaartoy ahaan.
Halyeey Raul ayaa ka faa’idaystay caydhintii Benito kaas oo erayo xun ka sheegay xiddigaha waaweyn ee Real waxaana uu kulankiisii ugu horreeyayba la gaadhay guul weyn oo 4-1 ah waana sababta dhalin karta in Los Blancos ay suuraystaan inuu noqon karo Pep Guardiola-hooda cusub.
Shaqsiyaadka qaar ayaa marka hore aaminsan inay tahay inuu soo maamulo Real Madrid Castilla oo ah kooxda labaad ee Real balse waxkasta waxa ay ku xidhnaan doonaan go’aanka uu soo gaadho Mr Perez.