XOG: Kadib Wacdarihii Kylian Mbappe Iyo Gool La’aantii Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, Maxaa Iska Badalay Kala Saraynta Kabta Dahabka Ah Ee Yurub?


Tartanka loogu jiro kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub ayaa sii xoogaysatay kadib markii uu da’yarka kooxda PSG ee Kylian Mbappe uu wacdaro soo dhigay isla markaana ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo awoodi waayeen in ay todobaadkan goolal dhaliyaan.
Kylian Mbappe ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii Caen ee ay kooxdiisa PSG soo gaadhay guusha 2-1 ka ahayd wuxuuna ka sare maray Cristiano Ronaldo oo markii hore kaalinta labaad ku jiray laakiin sidoo kale Mbappe ayaa culayska soo saaray Lionel Messi oo hal gool hadda ku hogaaminaya kabta dahabka ah ee Yurub.
Lionel Messi oo 25 gool ku hogaaminaya kabta dahabka ah ee Yurub ayaa ku fashilmay in uu wax goolal ah ka dhaliyo kulankii Real Madrid ee Bernabeu iyada oo Ivan Rakitic uu ahaa xidiga kooxdiisa Barcelona guusha u horseeday, waxayna taas la micno tahay in Messi uu 25 gool iyo 50 dhibcood uu wali hogaanka ku hayo.
Laakiin da’yarka aduunka ka yaabsanaya ee Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolashiisii 23 aad iyo 24 aad ee horyaalka La Liga wuxuuna hadda hal gool oo kaliya ka hooseeyaa Lionel Messi wuxuuna Kylian Mbappe haystaa 24 gool iyo 48 dhibcood.
Cristiano Ronaldo ayaa isna ku fashilmay in uu kulankii Napoli wax goolal ah ka dhaliyo wuxuuna hadda Ronaldo haystaa 19 gool waxaana gool dhalintiisa soo qabtay oo ka tirsan kooxda Sampdoria ee Fabio Quagliarella kaas oo yeeshay 19 gool, waxayna wada leeeyihiin min 38 dhibcood.
Xidiga kooxda AC Milan isla markaana qaybtii hore ee xili ciyaareedkan ku soo qaatay Genoa ee Krzysztof Piatek ayaa hal gool ka hooseeya Ronaldo iyo Quagliarella wuxuuna kaalinta shanaad ugu jiraa 18 gool iyo 36 dhibcood.
Haddaba halkan kaga bogo 10 xidig ee ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay horyaalada Yurub ee kabta dahabka ah ku tartamaya:
1 Lionel Messi | Barcelona | 25 Gool (50 Dhibcood)
2 Kylian Mbappe | PSG | 24 Gool (48)
3 Fabio Quagliarella | Sampdoria | 19 Gool (38)
4 Cristiano Ronaldo | Juventus | 19 Gool (38)
5 Krzysztof Piatek | Genoa/AC Milan | 18 Gool (36)
6 Sergio Aguero | Manchester City | 18 Gool (36)
7 Mohamed Salah | Liverpool | 17 Gool (34)
8 Edinson Cavani | PSG | 17 Gool (34)
9 Harry Kane | Tottenham | 16 Gool (32)
10 Luis Suarez | Barcelona | 16 Gool (32)
Haddaba akhriste, xidigeed filaysaa in uu xili ciyaareedkan ku guulaysan doono kabta dahabka ah? Miyuu Mbappe noqon doonaa xidiga soo gaba gabayn doona rekoodhkii Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo ay waqtiga dheer ku soo maamulayeen Golden Shoe-ga?