XOG: Sidee Ayuu 19 Jir Rekoodho Intaa Le’eg Ku Sameeyay? Daafaca Ahna Kabtanka Ajax Ee Matthijs De Ligt Oo Soo Sameeyay TODDOBA Rekoodh Oo Muujinaya Sida Uu Mustaqbalka Kubadda Cagta U Yahay.

Daafaca kooxda Ajax ahna kabtanka kooxdaas ee Matthijs De Ligt oo kamid ah da’yarta ugu tayada wanaagsan kubadda cagta caalamka ee haatan ayaa tan iyo kasoo muuqashada kooxdiisa gaadhay taariikho cajiib ah oo ay adag tahay in la rumaysto in da’diisa lagu gaadho.
De Ligt waa mid kamid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay kubadda cagta haatan waxaana saxeexiisa inta ugu badan ku loolamaya kooxaha Barcelona, Real Madrid, PSG iyo Juventus.
Haddaba, Rabitaanka iyo xiisaha kooxahaas ka imanaya ayaa ah mid loogu garaabayo marka la eego dareenka hoggaamiyenimo iyo baahida ah inuu guulo waaweyn gaadho ee ku jirta isaga oo aad u da’yar.
Toddobada rekoodh ee uu Matthijs gaadhay ayuu midka koowaad yahay inuu Da’yarkii ugu yaraa ee koox waaweyn kulanka ugu horreeya u saftay tan iyo sanadkii 1931 waana rekoodh mudo qarni ku dhaw yaalay.
Sidoo kale De Ligt ayaa ah da’yarka kulamada ugu badan kusoo saftay halka uu rekoodhkiisa saddexaad ka yahay da’yarkii ugu yaraa ee abid ciyaara kulan Final ah oo qaarada Yurub ah kaddib Final-kii Europe League 2017 oo ay Manchester United la ciyaareen.
Si lamid ah rekoodhka kale ahna rekoodhada cajiibka ah ayaa ah inuu yahay kabtankii ugu da’da yaraa ee ay abid yeelato kooxda Ajax isaga oo kaliya 19 sano jir ku noqday kabtanka koox u weyn sida Ajax.
De Ligt ayaa sidoo kale loo caleemo saaray abaalmarinta Hibada sanadka ee horyaalka Holland ee Eredivisie sidoo kale 19 jirkan ayaa gaadhay 100 kulan oo uu u saftay kooxdiisa waxaana uu noqday da’yarkii ugu horreeyay ee kooxdaas kulamo intaa le’eg u ciyaara.
Ugu dambayn rekoodhka ugu dambeeya uguna miisaanka culus ayaa ah inuu ku guuleystay abaalmarinta Golden Boy 2018 isla markaana uu noqday daafacii ugu horreeyay ee taariikhda sidaas soo sameeya