XULASHO: Anrew Robertson Oo Kala Xushay Xiddigaha Kooxdiisa Ee Mohamed Salah Iyo Virgil Van Dijk Midka U Qalma Abaalmarinta Xiddiga Sanadka Ee Horyaalka & Sababta Oo Uu Sharaxay.



Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa kala doortay xiddigaha kooxiisa ee Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk midka u qalma inuu xilli ciyaareedkan ku guuleysto xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League.
Roberston oo qudhiisu kamid ah xiddigaha ugu bandhiga fiican horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa abaalmarinta xiddiga sanadka ee PFA loo yaqaan u xushay saaxiibkiisa daafaca ee Virgil Van Dijk kaas oo uu ku sifeeyay mid xataa isaga shaqadiisa u fududeeya marka uu ka garab ciyaarayo.
Daafaca ugu qaalisan dunida ayaa hoggaaminaya xiddigaha ugu cad cad abaalmarintan isaga oo ilaa haatan kamid ah xiddigaha kale ee loo saadaalinayo sida Sergio Aguero, Raheem Sterling iyo waliba Mohamed Salah oo ay Liverpool kawada tirsan yihiin.
Robertson ayaa kaddib kulankii Watford sheegay in haddii horyaalku uu wakhtigaas dhammaan lahaa uu abaalmarinta Van Dijk siin lahaa isaga oo sababta ugu weyn ee uu u cuskaday ay tahay bandhigiisa joogtada ah.
Andrew Robertson ayaa yidhi “Haddii uu xilli ciyaareeedku dhammaan lahaa caawa anigu isaga ayaan siin lahaa (Abaalmarinta xiddiga sanadka) shaqsiyan”
“Wali waxa jira tobban kulan oo ay tahay in la ciyaaro qof kale oo koox kale ah ayaana kor usoo kici kara laakiin Virgil waxa uu gaadhsiin karaa heer kale oo gabi ahaanba cusub, Waan ku xisaabtami karaa”
“Ciyaartoyda weerarka ayaa markasta ku jira loolanka sababtoo ah waxa ay qaataan dhammaan goolasha iyo boggaga hore ee saxaafada laakiin xilli ciyaareedkan Virgil waxa uu ahaa mid cajiib ah waxaana uu helayaa dhammaan amaanta uu u qalmay”
Ma filayo inuu midaas (Abaalmarinta) diirada saari doono, Waxa uu diirada saari doonaa kooxda, Markasta way fiicantahay in dhammadka xilli ciyaareedka lagu guuleyso abaalmarino waanan hubaa inuu tartanka ku jiri doono, Wuu dhawaan doonaa haddii uusan ku guuleysan”
“Isagu waa mid bandhig joogto ah leh sidoo kale, Haddii uu bandhigyada u sameeyo sida uu usoo sameeyay, Ma jiri doonto sabab uusan u heli doonin abaalmarintaas”
Tan iyo markii la bilaabay abaalmarintan sanadkii 1974 ayay kaliya shan daafac kusoo guuleysteen waxaana uu daafacii ugu dambeeyay ahaa John Terry oo 14 sano kahor hantay.