YAAB: Jose Mourinho Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababihii Uu Mohamed Salah Uga Diray Chelsea Iyo In Uu Ciyaartoy Diciif Ah Yahay Oo Ka Mid Ah.


Jose Mourinho ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii uu Mohamed Salah uga diray Stamford Bridge ee uu u awoodi waayay xidiga reer Masar in uu qayb ka noqdo qorshihii macalinka reer Portugal ee Chelsea. Mourinho ayaa sanadkii 2014 kii saxiixa Mohamed Salah ka dul qaaday Liverpool markaas oo ay Blues kala soo wareegtay FC Basel.
Laakiin Mohamed Salah ayaa wax fursad ah ka waayay kooxdii Jose Mourinho ee Chelsea wuxuuna awooday in 19 kulan oo kaliya uu ka soo muuqday kooxda galbeedka London ka dhisan ee Chelsea waxaana amaah loogu diray kooxda Fiorentina ee horyaalka Tlayaaniga.
Kadib Mohamed Salah ayaa heshiis rasmi ah ugu wareegay kooxda AS Roma halkaas oo uu tayadiisa ciyaareed ku soo bandhigay laakiin sanadkii 2017 kii Mohamed Salah ayaa Liverpool ku soo biiray wuxuuna soo dhaliyay 44 gool isaga oo waliba ku guulaystay dhamaan abaal marinihii sanadka ee horyaalka Premier league.
Jose Mourinho oo hadda falanqeeye kubbada cagta ah ka ah beIN Sports ayaa intii lagu jiray kulankii Liverpool iyo Everton waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababtii uu Mohamed Salah ula guulaysan wayayay Chelsea ee uu Mourinho amaahda ugu diray, waxaana erayadiisa ku jira kuwo qariib ah.
Jose Mourinho oo Mohamed Salah ka hadlaya ayaa yidhi: “Isagu waxa uu yimid Chelsea wuxuuna ka soo wareegay Basel isaga oo wiil yar ah, isaga oo wiil cidlo joog ah, isaga oo gabi ahaanba ka baxsan micnaha guud oo jidh ahaan diciif u ahaa”.
Kadib Mourinho ayaa sharaxay wixii dhacay markii ay Mohamed Salah amaahda ugu direen Fiorentina ee uu Chelsea ku fashilmay wuxuuna yidhi: “Kadib waxa uu tagay Italy, waxa uu khibrad ku helay Fiorentina, waxa uu helay khibrada Roma, markii uu England ku soo laabtay waxa uu la yimid isaga oo gabi ahaanba la qabsaday heerka ugu sareeya ee kubbada cagta Yurub”.
Kadib Mourinho ayaa ka hadlaya xaalada hadda ee Mohamed Salah wuxuuna yidhi: “Waxa uu aad u fahansan yahay ciyaarta, sida aad  jidhkiisa ka arki karto waxa uu aad uga xoogan yahay jidh ahaan, isla markaana taam ahaanshihiisu aad ayuu uga badan yahay wuxuuna haystaa kalsooni badan”.
Laakiin erayada uu Mourinho ku sharaxay Mohamed Salah waqtigii uu Chelsea kula soo shaqeeyay ayaa dad badan qariib ku noqday isaga oo muujiyay sababtii dhabta ahayd ee aanu xidiga reer Masar wax fursad ah u siin.