YAAB: Tababare Jurgen Klopp Oo Sabab Kaa Yaabin Doonta Ku Dooday Inay Dhalisay Bar-Bardhacii Ay Lasoo Galeen Everton!!.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa banaanka keenay sabab qariib ah oo keentay inay bar-bardhac goolal la’aan ah lasoo galaan kooxda ay magaalo wadaaga yihiin ee Everton ciyaar ka dhacday gegida Goodison Park.
Liverpool ayaa kulankii labad oo xidhiidh ah oo ay marti tahay bar-bardhac goolal la’aan ah soo gashay taas ayaana la micno ah inay waayeen hoggaanka horyaalka oo ay haatan hal dhibic ka dambeeyaan Manchester City.
Haddaba, Tababare Klopp ayaa sheegay inuu kulanku ahaa mid leh adayg ay waxbadani sababeen balse sababta yaabka leh ee uu adeegsaday ayaa ah in dabayshu ay ahayd mid kulanka wax ka bedeshay iyo kubad haysashadaba.
Jurgen oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa uu ahaa mid aad u adag, Kulan aad ugu adag sababo kala duwan, Koox adag oo naga soo horjeeday”
“Waan ogahay dadku ma jeclaan doonaan marka aan yidhaado, Laakiin dabaysha ayaa ka timid dhinacyada oo dhan, Maaha wax aanu dhab ahaantii doonaynay”
Kulan ay adagtahay in kubadda la xakameeyo sababtoo ah labada wax ee aan soo shegay, Waxaanu helnay saddex ama afar fursadood oo waaweyn”
“Waa erby 0-0 ah, Waxaanu ilaashanay rekoodhkayaga guuldarro la’aanta ah ee Everton, Laakiin dhab ahaantii maaha wixii aanu doonaynay, Laakiin way sahlantahay in la aqbalo sababtoo ah waa kulan adag”