Halyeeyga Man United Ee Rio Ferdinand Oo Tilmaamay Saddexda Ciyaartoy Ee Sida Gaarka Ah Ugu Horumaray Kahoos Shaqaynta Tababare Ole Gunnar.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa tilmaamay saddexda ciyaartoy ee ka tirsan kooxdiisii hore ee sida khaaska ah horumarka ugu hoos sameeyay tababaraha dhawaan sida rasmiga ah loogu magacaabay kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer.
Daafacan hore ayaa mudo shan sano ah ay kooxda kasoo wada tirsanaayeen Solskjaer waxaana uu si weyn ula dhacsanaa shaqada uu tababarahan ree Norway ka qabtay kooxda mudada uu joogo.
Tan iyo markii uu bedelay Jose Mourinho bishii 12-aad, Ole ayaa Manchester dib ugu soo celiyay boosaska afarta ah ee sarre sidoo kalena gaadhsiiyay wareega siddeed dhammaadka Champions League oo ay la balansan yihiin Barcelona.
Halyeey Ferdinand ayaa si gaara u xusay in saddexda xiddig ee kala ah Paul Pogba, Marcus Rashford iyo Victor Lindelof ay yihiin kuwa sida gaarka ah horumarka ugu hoos sameeyay Solskjaer.
Ferdinand ayaa yidhi “Tan iyo imaatinkii Ole waa inaad tidhaahdaan [Marcus] Rashford, [Paul] Pogba iyo [Victor] Lindelof ayaa ahaa kuwa inta ugu badan horumaray”
“Saddexdaasi waxa ay aniga ii ahaayeen kuwo khaas ah, David De Gea waa goolhayaha ugu fiican horyaalka isaga oo Mayl ka horreeya goolhayayasha kale”
Dhinaca kale Ferdinand ayaa sheegay inuu jiro hal ciyaartoy oo wali ay sugayso shaqada Solskjaer iyo inuu bandhigiisa ugu fiican kaso saaro waana Alexis Sanchez oo aan wali wax isbedel ah ku samaynayn Old Trafford.
“Waxay ujeedadiisu ahaan doontaa inuu sida ugu fiican kasoo saaro Sanchez, Ole waxa uu kasoo saaray sida ugu wanaagsan ciyaartoy kasta oo safka kamid ah tan iyo markii uu yimid”
“Midkood ayaan samaynayn sidaas midaas wakhti xaadirkan, Sanchez ma ciyaarayo heerkii aanu ku aragnay isaga oo kaga ciyaaraya Arsenal”