Miyuu Cristiano Ronaldo Taam Buuxa U Yahay Kulanka Champions League Ee Ajax? Hadalkii Ugu Dambeeyay Ee Kasoo Yeedhay Tababare Maxi Allegri Oo Cabsi Abuuraya.
Get link
Facebook
X
Pinterest
Email
Other Apps
Tababaraha kooxda Juventus ee Maxi Allegri ayaa markale ka hadlay dhaawacii dhawaan soo gaadhay xiddiga kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo kaas oo uu ku seegay kulankii ay toddobaadkan ka ciyaareen horyaalka Serie A.Toddobaadkii hore ayuu Ronaldo ku laabtay xulkiisa Portugal oo uusan mudo dheer u ciyaarin balse waxa uu dhaawac ku gaadhay kulankii ay bar-bardha la galeen xulka Serbia taas oo dhalisay in shaki badan la geliyo taam ahaanshihiisa kulanka Ajax.Kaddib markii la waraystay kulanka kaddib ayuu Ronaldo sheegay inuu kusoo laaban doono mudo laba toddobaad ah waana wakhti ku beegan soo laabashada Champions League oo wareegiisa siddeed dhammaadku toddobaadka dambe yahay.Iyadoo uu xiddigu sidaas sheegay ayuu haatan tababare Maxi Allegri sheegay hadal kale oo uu ku shaaciyay in Ronaldo si joogto ah u shaqaynayo balse ay adkaan doonto in kulankaas loo xushaa.Allegri ayaa yidhi “Cristiano waxa uu u shaqaynayaa si maalinle ah, Waxaanu rajaynaynaa inaanu isaga haysano kulanka aanu wajahayno Ajax, Waa inaanu lahaanaa kalsooni”Tababaraha ayaan wali lumin aaminaada in xiddigiisu uu si buuxda usoo kaban doono walow uusan meesha ka saarin inay wax adag noqon doonto.Si kastab ha ahaatee, Dhammaan tijaabooyinka xiddigan la mariyay ayaa meesha ka saaraya inuu taam buuxa u noqdo kulanka lugta hore balse waxa uu kasoo gaadhi karaa kulanka lugta dambe.