
Kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga ay saxiixeeda cusub ee Antoine Griezmann si Rasmi ah u soo bandhigi doonto kadib markii ay maanta ku dhawaaqday saxiixiisa kadib markii ay bixisay lacagtii 120-ka milyan ahaa ee lagu bur-burinayay heshiiskiisa.
Barcelona ayaa sheegtay in ay Antoine Griezmann soo bandhigi doonto Fiidnimada Axada kadib markii uu maanta si Rasmi ah ugaga biiray kooxda Atletico Madrid.
Xiddiga reer France ayaa iman doona Barcelona galabnimada Sabtida waxana uu booqan doonaa bakhaarka Barcelona si looga qaado sawirada lagu soo bandhigi doono.
Kadib waxa uu mari doonaa tijaabada caafimaadka subaxnimada Axada ka hor inta aan fiidnimada lagu soo bandhigin garoonka Camp Nou.
Waxa uu saxiixi doonaa heshiiskiisa uu ugu biirayo Barcelona 7:15 PM ka hor inta uuna galin garoonka Barcelona laakiin taageerayaasha ayaan ka soo qayb gali doonin bandhigiisa sabab la xidhiidha shaqo laga wado garoonka.
Kadib weeraryahanka ayaa tababarka kooxda intooda kale la bilaaban doona Isniinta marka uu si Rasmi ah u noqdo xiddig Barcelona Ah.