
Wargayska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday halka shardi ee uu Dani Alves ku xidhy kooxda Man City si uu ugu biiro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Dani Alves ayaa go,aansaday in uu isaga tago kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda waxana doonaysa kooxo badan oo Italy ah iyo waliba kooxda Barcelona.
Wargayska ayaa sheegaya in kooxda Man City ee uu hogaamiyo Pep Guardiola ay doonayso saxiixa xiddiga khabiirka ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay go,aansadeen in ay iibiyaan xiddiga Danilo.
Arintaas ayaa sii xoogaysatay kadib markii uu Dani Alves xulka qaranka Brazil ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka Copa America sanadkan waliba door weyn oo muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysiga xulka qarankiisa.
Wargayska ayaa sheegaya in uu Dani Alves kooxda Man City u sheegay in halka shardi ee uu ugu soo biiri karo Etihad in ay tahay in loo balan qaado in uu si joogto ah ugu ciyaari karo kooxda xilli ciyaareedka cusub.
Shardigan ayaa u muuqda mid ayna Man City Aqabali doonin marka loo eego in sababta ay u keenayso isaga tahay in uu badal u noqdo xiddiga Kyle Walker kaas oo ah dookha 1-aad ee daafaca Midig.