
Xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa muujiyay in uu wali jecelyahay kooxdiisii hore ee chelsea inkasta oo uu Lacag rikoodh ah ugaga tagay inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddiga reer Belguim ayaa difaaci doona maaliyada cad ee Real Madrid 5-ta sano ee soo socota laakiin Hazard ayaa wali chelsea ku haya qalbigiisa inkasta oo uu u ciyaari doono koox kale.
28 jirka ayaa xagaagan ku biiray kooxda Real Madrid kadib 7 sano oo uu ku qaatay Kooxda chelsea ee ku ciyaarta Stamford Bridge.
Hazard ayaan qarin rabitaankiisa ah in uu ku biiro xagaagan laakiin waxa uu daacad u ahaa kooxda oo uu kula guulaystay koobkii 6-aad ee intii uu joogay kooxda.
Xiddiga ayaa bilowgii todobaadkan kooxda Real Madrid kula biiray safarka Canada ee ay halkaas ugu qaadan doonaan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kadib markii uu ka dagay diyaarada waxa la arkay in uu Hazard wali qalbiga ku hayo chelsea isaga ay wali Mobile-kiis ku dhagantahay sawir caruurtiisa oo xidhan maaliyada Chelsea.