Griezmann, Bale, Neymar, Fernandes, Lukaku, Pogba, Van Dijk & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.



Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.
Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegoodaHadaba waxa aan qaab maalin kasta ah CIYAARAHA HORSEED  idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.
Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.
Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid isaga hadhaysa xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba maadama ayna diyaar u ahayn lacagta 150 milyan ah ee Ay United doonayso (Don Balon)
Barcelona ayaa si aad ah ugu dhaw saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Antoine Griezmann iyaga oo bixin doona lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa ee 120 milyan ah (Mirror).
Xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Gareth Bale ayaa tababar la qaatay kooxdiisa Real Madrid xilli uuna wali xiddigu xalin mustaqbalkiisa (Mail).
Man United ayaa isaga hadhaysa xiisaha xiddiga khadka dhexe ee Sean Longstaff kadib markii ay Newcastle dul dhigtay 50 milyan oo euro halka ay United xiddiga ku qiimayso 18 ilaa 20 milyan oo euro (Telegraph).
Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca Midig ee xorta ah ee Dani Alves si ay ugu badalaan Danilo (Mail).
Kooxda Man United ayaa war fiican ka heshay baacsigii ay ugu jirtay Bruno Fernandes kadib markii ay kooxda Sporting Lisbon u dhaqaaqday badalka xiddiga (Alfredo Pedulla).
Kooxda Roma ayaa si lama filaan ah wadahadalo ula furtay kooxda Man United oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Romelu Lukaku (Goal.com).
Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa xaqiijisay in ay wadahadalo la fureen kooxda Man United si ay u helaan saxiixa Romelu Lukaku (Guardian).
Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Mariano Diaz ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal xagaagan (AS).
Man United ayaa Inter Milan u sheegtay in ay u baahantahay 75 Milyan oo uuna hal milyan ka dhimanayn hadii ay doonayaan saxiixa Romelu Lukaku (Sun).
Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay heshiis la gaadhi doonaan kooxda Leicester City kuna aadan daafaca dhexe ee Harry Maguire (Sun).
Kooxda Liverpool ayaa Barcelona u sheegtay in ayna wakhtigeeda isaga lumin xiisaha daafaca Virgil Van Dijk (Mail).
Kooxda Barcelona oo Liverpool u sheegtay in ay 100 Milyan ku heli karto saxiixa xiddiga Ousmane Dembele (Calciomercato).
Nabil Fekir ayaa isaga tagi doona kooxda Lyon laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatoonaya in uu helo dalabyo uga imanaya kooxo waaweyn sidii xagaagii hore (Goal).
Kooxda Real Madrid ayaa gabi ahaan isaga hadhay xiiso kasta oo ay u qabtay saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar xagaagan (AS).
Romelu Lukaku ayaa kooxdiisa Man United u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan (ESPN).
Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez si ay ugu badalaan Neymar hadii uu ku biiro Barcelona xagaagan (TeamTalk).