La Ogaaday: Arsenal Oo Doonaysay Saxiixa Eden Hazard & Thibaut Courtois Ka Hor Intii Ayna Ku Biirin Chelsea

Madaxii hore ee suuqa kala iibsiga kooxda Arsenal ee Dick Law ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Arsenal qorshaynaysay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Eden Hazard iyo Thibaut Courtois ka hor inta aysan ku biirin Chelsea.
Thibaut Courtois ayaa Ku soo biiray Premier League xagaagii 2011 isaga oo kaga soo biiray kooxda Genk halka uu Hazard sanad kadib kaga soo biiray chelsea kooxda Lille.
Law oo Arsenal looga yaqaanayay Naanaysa “Hagaajiyaah suuqa Arsenal” kadib markii uu kooxda ka shaqeeyay 13 sano intii u dhexaysay 2005 ilaa 208 ayaa qirtay in ay Arsenal doonaysay in ay la soo saxiixato labada xiddig laakiin ay ka hor istaagtay qiimihii ay kooxdu ugu tala gashay suuqa in ay ku gasho.
“Waxa aan lahayn awood dhaqaale, laakiin khatarta xisaabsan ayaan ahayn mid cad”ayuu u sheegay Goal.com.
“In la galiyo lacag aad u badan xiddig aan la garanayn ayaa run ahaantii kooxda ka dili lahayd dhanka dhaqaalaha”.
“Miyaan ku fashilanay xiddigo fiican? Haa, waxa aan xasuustaa aniga oo shir kula jira Steve Rowley, Ivan Gazidis and Arsene Wenger kana hadlayna Thibaut Courtois, waxa aan ogayn in uu fiicanyahay”.
“Eden Hazard si la mid ah, waxa aan doonaynay in aan la soo wareegno, laakiin waxa jirtay masuuliyada na saaran oo ah hadii aan hal milyan si khaldan u kharash garayno in aan gali doono xaalad adag”.