
Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa Antoine Griezmann kaas oo ay kula soo saxiixatay lacag dhan 120 Milyan oo euro kalana soo wareegeen kooxda Atletico Madrid.
Xiddiga Antoine Griezmann ee 28 jirka ah ee reer France ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda Barcelona kula joogi doono ilaa xagaaga 2024.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabo laga yaabo in aanad ka ogayn Antoine Griezmann:
1.Antoine Griezmann ayaa ku dhashay magaacala Maco ee France laakiin markii uu jiray da,da 13 jirka ayuu indh-indheeyihii hore ee kooxda Real Sociedad ee Eric Olhats kula biiray Spain isaga oo wixii intaas ka dambee ku nool Spain kana ciyaara horyaalka La Liga.
2.Antoine Griezmann ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Portugal iyada oo Awoowgii dhanka Aabaha ee Amaro Lopez uu u soo ciyaaray xulka qaranka Portugal laakiin waxa uu isaga oo aad u yar ku u guuray France halkaasna ku bar-baaray.
3.Markii uu da,yarka ahaa Antoine Griezmann ayaa ku raaxaystay ka ciyaarista Goolka xitaa isaga oo tababarka kooxda Atletico Madrid mararka qaar ka ciyaara Goolka.
4.Qaybta Nashada ciyaaraha Antoine Griezmann Ayaa jecel in uu badalo maaliyada uu qaybtii hore ku ciyaaray iyo waliba in uu muraayada isku eego waliba timihiisa hagaajiyo sida qof sawir isku diyaarinaya.
5.Antoine Griezmann ayaa ah xiddiga 2-aad ee France ka soo jeeda ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay 134 gool.
6.Antoine Griezmann ayaa dhanka codka ka soo muuqday Filim-ka SuperMan gaar ahaan marka lagu matalayo luuqada France.